Raysal-wasaaraha Somalia oo ka hadlay ujeedada safar uu ku tegay Addis Ababa

Addis Ababa-(Berberanews0-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan Xukuumaddiisa oo gelinkii dambe ee shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray xalay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia,  iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha garoonka dayuuradaha ee Addis Ababa.

“Socdaalkan aan kusoo gaarnay dalka Ethiopia waa mid aan ku xoojinayno xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaan iska kaashan doonnaa arrimo ay ka mid yihiin Amniga iyo la dagaalanka xagjirka khatarta ku ah guud ahaan gobolka, waxaa kaloo aan iska kaashan doonnaa arrimaha kale ee siyaasadda iyo dhaqaalahu ay ka midka yihiin.” Ayuu yidhi Raysal-wasaaraha.

raysal-wasaaraha

“ Ethiopia waxaa ay ka mid tahay dalalka dariska ah ee qaybta ka ah howlgallada AMISOM ee xasilinta amniga iyo la dagaalanka xagjirka, waxaa la gaaray xilligii aan sii xoojin lahayn howlgallada ay iska kaashanayaan dawladda iyo dalalka dariska ah si loo soo afjaro kooxaha Nabad-diidka ah ee cadawga ku  ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, Gobolka iyo guud ahaan caalamka.” Ayuu intaas raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.

rr

Raysal-wasaaraha waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Warfaafintan Mudane Mustaf Dhuxulow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Maxamed Qoorsheel, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaadan doona mas’uuliyiinta dalkaasi oo uu ka mid yahay Ra’iiusl Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo Mas’uuliyiinta kale ee dalkaasi qaarkood.

Berberanews.com

info@berberanews.com