Turkiga oo jaray lacagtii tooska uu usiin jiray Dowladda Federaalka

Turkiga(Berberanews) Dowladda Turkiga oo ah taageeraha ugu weyn Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa joojisay lacagihii kaalmada ay sida tooska u siin jireen Dowladda Federaalka.

 Guul-hassan-

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa Wakaaladda Reuters u sheegay in lacagaha la siin jiray Dowladda ay joogsadeen dhamaadkii sanadkii 2013. Lacag gaaraysa $4.5-milyan doolar ayaa Turkiga siin jiray Dowladda Federaalka bil kasta.

Sarkaalka Wasaaradda arrimaha dibadda oo la weydiiyay in ay dib u bilaabi doonaan lacagaha tooska ay siiyaan Dowladda ayaa sheegay in hadda uusan ajandayaasha ugu jirin.

Wuxuu intaas raaciyey in talaabadan aysan la xiriirin eedeymo musukh maasuq ah oo loo soo jeediyey Dowladda Hassan Sheikh Mohamud in dhowayd.

Gudoomiyihii hore Bankiga dhexe Abdisalaam Cumar ayaa sheegay in bil kasta uu Safaaradda Turkiga ee Muqdisho kasoo qaadi jiray kartoomo ay ku jiraan lacag kaash ah oo dhan $4.5 milyan doolarka Maraykanka oo lagu shubi jiray Bankiga dhexe. Dowladda Federaalka ayaa xilka ka qaaday kadib markii lagu eedeeyay in uu lunsaday lacago malaayin doolar.

Waxaa la aaminsan yahay in khasnajiga Dowladda ay ku dhacday lacag gaaraysa $110 milyan doolar. Turkiga ayaa tan iyo markii uu Soomaaliya ka furtay Safaaradiisa uu geliyey lacag gaaraysa $400 milyan doolar.

Masuul ka tirsan Dowladda Federaalka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa xaqiijiyey joojinta lacagaha tooska ee Turkiga balse uu sheegay in u rajeynaayo in ay dib u bilowdaan sanadkaan.

Tan iyo sanadkii 2011 Turkiga waxaa uu Soomaaliya ka fuliyay mashaaric horumarineed oo ay ku jiraan dhismayaal Iskuulo, Isbitaalo, xarumo Dowladeed iyo howlo samafaleed.

Fadeexad ayaa dhamaadkii sanadkii hore lasoo deristay Dowladda Federaalka ka gadaal markii ay iscasishay Gudoomiyihii Bankiga dhexe Marwo Yusur Abrar oo xafiiska joogtay todobo asbuuc keliya, waxaana ay daboolka ka qaaday musukh maasuq baahsan oo ka dhex jira Hay’addaha Dowladda.

Arrintaas ayaa keentay in Reer Galbeedka iyo caalamka walaac ka muujiyaan Dowladda sida weyn u taageereen markii la doortay Madaxweyne Xassan Sheikh, waxaana ay meesha ka saareen haba yaraate in lacagaha deeqda toos loo siiyo Dowladda

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland