Xulashada Sawirka adduunka ee sannadka 2013

Berberanews-Sawir-qaade Maraykan u dhashay, JOHN Stanmeyer, ayaa ku guulaystay tartanka sawirka ee sannadka dhammaaday ee 2013, waxaannu sawirkani muujinayaa muhaajiriin Afrikan ah oo telefoonnadooda gacanta kor u haya meel u dhow biyaha Djibouti xilli habeennimo ah, kuwaasoo isku dayaya inay Somalia ka helaan anteenno qiimaheedu jabanyahay.

“Waa sawir xidhiidh la leh sheekooyin badan-wuxuu furayaa doodo ku saabsan teknoolojiga, koboca caalamka, rahriibka, fakhriga, qariibnimo, iyo aadanimmo” sidaa waxa yidhi xubin ka mid ah Guddida xulaysay sawirrada.”

Guddidu waxay sidoo kale billado siiyeen 53 sawir qaade oo ka soo jeeda 25 dal oo kala ah Argentina, Australia, Azerbaijan, Bangladesh, Bulgaria, China, Czech Republic, El Salvador, Finland, France, Germany, Iran, Italy, Jordan, Mexico, The Netherlands, New Zealand, Poland, Russia, Serbia, South Africa, Spain, Sweden, the UK iyo USA..

photo of the year