Labadii Garab Ee Ku Hirdamayay Golaha Wakiilada Oo Ku Dhawaaqay Inuu Bur-buray Wadahadalkii udhexeeyay

Hargeysa (berbernews)Khilaafkii ka oognaa golaha wakiilada maal mihii aynu soo dhaafnay ayaa waxa ay ergadii gurmadka aheyd ee dooneysay in ay xal u helaan khilaafkaa wakiilada soo kala dhexgalay ayaa waxa ay isla qaateen in ay ergadu ka dhex baxdo si ay iyagu uheshiiyaan hadanawwww2

wwww2

yadoo ay mudoo laba cisho ah ka hadhsan tahay muddadii golaha wakiilada ee uu qaatay fasaxa todobada cisho ah ayaa waxaa manta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu heshiiskii laga dhex waday shirgudoonka golaha uu noqday mid lagu fashilmay islamarkaana uu bur-buray

Gudidan Oo Ka Koobnayd Afar iyo tobankii xildhibaan (14) ee ka kala socday  labada garab ee uu golaha wakiiladu u kala qaybsamay  ayaa maanta shaaciyey in uu burburayay Wada-hadalkii U Socday

Labada Guddoomiye ee  labada garab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay isku mari waayeen  Qodobadii ay kala wateen,Waxaanay sheegeen in ay hawshii dib ugu celiyeen Golaha

Guurtida.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caali Cabdiraxmaan (Dheere) Iyo Saleebaan Cali Koore  oo ah Guddoomiyayaasha  labada Garab ayaa si wada jir ah u sheegay in ay si weyn ugu kala argti duwanaadeen Qodobadii ay isku Hayeen“shii Waanu Riixi Kari Waynay

Golaha wakiilada ayaa dhawaan ka codsaday Guurtida oo dhex-dhexaadinaysay inay iyagu gaar u wada hadlaan. Go,aankani  maanta ayaa muujinaysa in Golaha murankiisu cirka isku sii shareerayo.

 Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland