Marwada Koowaad ee Somaliland oo dhaqaale badan ku bixisay Calleemo-saarka Sallaadiin u shaqaysa Xukuumadda

Hargeysa-(Berberanews)-Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, ayaa dhaqaale ka badan $4000 oo dollar (afar kun) ku bixisay Calleemo-saarka Suldaan cusub oo lagu magacaabay Suldaan Aadan Cawil Cilmi.

Calleemo-saarka Suldaankan cusub oo lagu wado in ka dhaco degmada Laasgeel gaar ahaan Dacarbudhuq 1/3/2014, ayaa waxaa magaalada Hargeysa maalmihii u dambeeyay ka socday kulanno qado-sharaf ah oo lagu raadinayo dadweyne loo daad-gureeyo goobta calleemo-saarka Suldaanka ay calleemo-saarkiisa ka dambayso Marwada Koowaad.Suldaan

Ujeedada Marwada Koowaad ee Somaliland Aamina Sh. Maxamed Jirde ka leedahay calleemo-saarka Suldaankan, ayaa la sheegay inay salka ku hayso fulinta danaha siyaasiga ah,kuwa dhaqaale iyo rabitaanka xukuumadda ee Gobolka Saaxil oo uu noqdo mididin sida madfaca ugu jawaaba cidkasta oo dhalliisha qorsheyaasha xukuummadda ee gobolkaas.

Damaca Marwada Koowaad ee Somaliland kuma eeka Suldaanka diyaargarowga calleemo-saarkiisu socdo, balse warar xog-ogaal ah oo Berberanews heshay ayaa sheegaya inay qorsheynayso sammaynta sallaadiin kale oo tiro badan.

Shacabka Somaliland waxay khaatiyaan ka taaganyihiin Sallaadiinta tirade beeshay ee iska soo daba dhacaya oo badankooda ay sammeeyeen xukuummadihii kala dambeeyay oo ku fushanayay danahooda gaarka ah iyo difaac ay uga noqdaan mucaaridada kaga imanaysa reeraha,siyaasiyiinta iyo cidkasta oo dhalliisha.

Berberanews.com

info@berberanews.com