Golaha Guurtida oo Bilaabay dhexdhexaadinta khilaafka dhexmiranaya Wakiillada

Hargeysa(Berbernews) Golaha Guurtidda Somaliland ayaa saaka bilaabay ka gar-naqista Mooshinka Khilaafka ka dhex dhaliyey Golaha Wakiiladda, Waxaanay markii Ugu Horaysay Isa Soo hor fadhiisiiyeen Labadii Guddi ee ay labada garab ee golahaasi u saareen Khilaafka oo shalay ku dhawaaqay inay heshiis gaadhi kari waayeen.

 download (5)

Wararka hordhaca ah ee aan ka Helayno kulanka saaka Golaha Guurtiddu ku dhex Dhexaadinayo Labada Garab Ayaa Sheegaya In Golaha Guurtiddu U Soo Xuleen Toddoba Iyo Toban Xubnood Oo Xeer Beegti Ah, Kuwaas Oo Shan Iyo Toban Ka Mid Ahi Xildhibaano Yihiin, Halka Labada Kale Xubno Sharafeed Golahaas Ka Tirsan Ay Yihiin.

Kulanka saaka u bilaabmay Labada dhinac iyo Xeerbeegtida Guurtidda ayaa ka dhacaya Hoolka Shirarka Golaha Guurtidda, Illaa Hadana Ma Jiro War Faahfaahsan Oo Ka Soo Baxay Maadaama Goor Dhaweyd Uun La Bilaabay.

Hase Yeeshee Warar Hoose Oo Soo Baxaya Ayaa Sheegaya In Ay Xildhibaanada Ay Xukuummadu Dabada Ka Riixaysaa diidanyihiin dhexdhexaadinta Guurtida, isla markaana ay doonayaa in ay ku Kala calaf qaadaan gacantooda

Waxaana Hal Maalin Inaga Xigaa Mudadii Ay Ku Eekayd Todobadii Cissho Ee La Fasaxay Golaha Wakiillada Somaliland, iyadoo aanu jirin xal laga gaadhay khilaafka dhexmiranaya Golaha Wakiillada Somaliland.

Berberanews.com

info@berberanews.com