Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ururka Al-Shabaab

Muqdisho(berberanews)Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii baadhitaan caafimaad iyo booqasho qoyskiisa degan dalka Turkiga uu ka yimid.

Madaxweyne Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay hoolka shirarka gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay ujeedada socdaalkiisa uu ku tegay dalka Turkiga, isagoona sheegay in booqasho gaar ah ay ahayd booqashadiisa.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in howsha kaliya ee hor taala Dowladiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya ay tahay inay dalka ka xoreeyaan kooxaha Al-Shabaab oo uu sheegay falalka ay Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood ay tahay tabar yari soo wajahday.

“Kooxahaan argagixisada ah ee dadka Soomaaliyeed jiritaankooda ka soo horjeeda iyo dalka inuu nabad noqdo waa inaan ka cirib tirnaa” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan halganka dalka looga xoreynayo kooxaha Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM inay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo guud ahaan gobolada dalka looga xoreynayo saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin goboladaas, wuxuuna hoosta ka xariiqay Madaxweynaha in dowladdu joojineyso dhammaanba howlaha kale ee ay dalka ka waddo.

Berbernews-Desk

Hargeysa/somaliland