Madaxweynihii Afgembiga lagaga tuuray Masar oo maxkammadda la horkeenay isagoo ku qufulan quraarad

Qaahira-(Berberanews)-Madaxweynihii hore ee Dalka Masar Maxamed Morsi, ayaa maanta la hor keenay Maxkamad ku taaldalkaas, isagoo loo haysto eedaymo la xidhiidha basaasid iyo falal argagixiso.

Qareenada Madaxweynahii hore ee Masar, Maxamed Morsi, ayaa ka dareeray maxkamada iyagoo ka soo horjeeda in la galiyay madaxweynaha iyo dadka la xiran meel qufulan oo muraayad ah oo aan waxba laga maqlayn maxkamada dhexdeeda. Morsi ayaa loo haystaa dacwadan cusub basaasnimo iyo inuu ku lug lahaa falal argagixiso.

Mr Morsi ayaa xukunka laga riday July sanadkii hore waxaana horyaala saddex eedeymo oo kale.

Dacwada ayaa isaga iyo s35 qof oo kale oo ka tirsan xisbiga Akhwaan Muslimiin, lagu eedeynayaa inay kala shaqaynayeen kooxo ajnabi ah inay weeraraan Masar, kuwasoo ay ka mid yihiin kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, kooxda Xisbullah ee Labnaan iyo ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran.