Diyaarad Itoobiyaan ah oo la afduubay

Geneva-(BBC)-Diyaarad Itoobiya laga leeyahay oo ka duushay magaalada Addis Aababa kuna socotay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ayaa lagu qasbay inay ku degto magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaddib markii la afduubay.

Gacan-yarihii duuliyaha diyaaradda ayaa la sheegayaa inuu la wareegay oo uu ku dejiyay Dalka Switzerland, isagoo  codsaday magangelyo siyaasadeed.

Boliiska Switzerland, ayaa xaqiijiyay afduubka diyaaraddan.

ethiopia_plane

Dadkii saaranaa diyaaradda

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya Airlines, ayaa sheegtay in ay nabad qabaan dhamaan dadkii saarnaa diyaaraddaas.

Waxaa haatan xidhan geggida diyaaradaha Geneva ee ay diyaaraddu ku degtay.

Diyaaradda, waxaa saarnaa ugu yaraan 200 oo ruux, shirkadda diyaaradahana waxay sheegaytay in dhamaan ay badqabaan.

Wargayska Tribue de Geneva, ayaa sheegay in diyaaradda la afduubay iyadoo dul maraysay hawada dalka Sudan.