Faysal Cali-waraabe oo feedh u duubtay Wasiir Garaad

Hargeysa(Berberanews):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka xanaaqay Maahmaah uu kula hadlay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad), taasoo uu sheegay in gobollada Galbeedka dalka lagaga maahmaaho, hase-yeeshee, uu Faysal aad uga gubtay.

Munaasibad Afar Suxufi ay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay qaar ka mid ahi ku guddoonsiinayeen Abaal-marin ay ku mutaystay tartan ay galeen Weriyeyaasha arrimaha Bulshada iyo xog-baadhista Saxaafadda ee sannadkii tegay oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayay Guddoomiyaha UCID iyo Wasiirka Shaqadu ka mid ahaayeen Masuuliyiin lagu casuumay oo ka qaybgalay sida uu Warbixintan kaga warramay Weriye Aftahannews ka tirsan oo goob-joog ka ahaa Xafladdaas.FAYSAL-IYO-GARAAD-300x225

Warbixinta kooban ee uu Weriyaha Aftahan Madashaa ka diyaariyey, waxa uu ku sheegay in Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa Masuuliyiinta hadallada ka jeediyey Xafladdaas, ka hadlay arrimo kala duwan oo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Xaaladda siyaasadeed ee dalku maanta marayo, salka khilaafka u dhexeeya Golaha Wakiillada oo uu xusay in Xukuumadda lagu eedaynayo inay faro-gelin ku hayso, marxaladda Saxaafadda Somaliland soo martay, heerka ay maanta taagan tahay, cidda tacaddiyada kula kacda oo uu ku tilmaamay dadka Saxaafadda hore uga tirsanaan jiray ee hadda Xukuumadda ka midka ah oo uu ugu horreysiiyey Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi-Cukuse iyo qodobbo kale oo hoos-u-dhac dhaqaale iyo kala sarraynta nolosha shacabka Somaliland oo uu Xukuumadda ku eedeeyey.

Riix Warkoo dhammaystiran