Hargeysa (Berberanews) Guddida dan iyo Duco ee Gobolka Saaxil oo soo-saaray Baaqa beeninaya jiritaanka Baaqa kale maanta ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya oo ka soo baxa Magaaladda Hargeysa, kaas oo ka hadlayay in Guddida Dan iyo Duce ay soo saartay Baaqa ay u dirayso Golayasha Qaranka iyo Xukuumadda , kaas oo Guddida Dan iyo Duco ay Baaqaas Been-abuur ku tilmaameen.
Waxaana Baaqa ay soo saareen Guddida Dan iyo Ducoe ay soo saareen u dhignaa sidan:
“Anaga oo ah Guddida Fulinta ee Dan iyo Duco ee Gobolka Saaxil kuna saxeexan hoos, waxay si cad u beeninayaan Baaqa ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya Cadadkiisii 5370, kuna Taariikhaysnaa 17/2/2014 iyo Warbaahin kale, Baaqaas meel badan taabanaya.
Waxaanu haddaba cadaynaynaa in uu baqaasi ahaa Been-abuur aan Dan iyo Duco ka soo bixi, waxaanan ka doonaynaa Warbaahinta Qortay Baaqaasi Been-abuurka ah inay keenaan Cadayntiisa”
Magacayadda Guddida Dan iyo Duco ee Baaqan soo saaray waxa kala yihiin sidan:-
1- Muuse Xirsi Abokor (Muuse-Dalab) Guddoomiye
2- Maxamed Cabdilaahi Mirre
3- Chief Caaqil Axmed Caaqil Yare
4- Saleebaan Jaamac Jibiril (Saleebaan-Mijir)
5- Jaamac Rooble Xirsi (Birqaab).