Qaramada Midoobay iyo Ururka SOLJA oo Abaalmarinno Guddoonsiiyey Suxufiyiin reer Somaliland

Hargeysa (Berberanews.com) Is-duwadaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, ayaa abaalmarinno guddoonsiiyey afar weriye oo ka kala tirsan hay’adaha warbaahinta, kuwaas oo ku guulaystay tartan qoraal ah oo la xidhiidha arrimaha bulshada.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, kana qaybgaleen wasiirro xukuumadda ka tirsan, madaxda axsaabta mucaaradka ah, masuuliyiinta ururka suxufiyiinta ee SOLJA, Is-duwadaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo saraakiil kale oo wehelinaysay iyo weliba suxufiyiin badan, ayaa abaalmarinno ka kooban kombuyuutarrada gacanta lagu qaato (Laptop) iyo cod-duubayaal (Records) casri ah lagu guddoonsiiyey afar suxufi oo ku guulaystay tartan Qaramada Midoobay u qabatay suxufiyiinta reer Somaliland oo ku saabsanaa qoraallo ay ka diyaariyeen arrimo ay ka mid yihiin; jinsiga, carruurta iyo dhallinyarada, adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo baadhitaanka suxufiga.
 
Isu-duwaha hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland Mr. Gavin Roy oo xafladda ka hadlay, ayaa ku hambalyeeyey suxufiyiinta abaalmarinta la siiyey guusha ay ka gaadheen tartankii ay ka qaybgaleen oo uu sheegay inay qiimeeyeen khubaro ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo weriyayaasha aan guulaysana ugu baaqay in aanay niyad-jebin ee ay u diyaargaroobaan tartamo kale oo ay ku dhiirigelin doonaan saxaafadda Somaliland.solja3
Wasiirrada Warfaafinta iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada – Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali-waraabe,  Maxamed Cismaan Fadal oo ka socday WADDANI, Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, Agaasimaha Fulinta ee Dallada NAGAAD Nafiisa Yuusuf iyo Maareeyaha Telefishanka HCTV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo hadallo ka jeediyey munaasibaddaasi, ayaa dhammaantood ku hambalyeeyey Qaramada Midoobay tartanka ay u qabatay suxufiyiinta, iyagoo isku raacay in xaddi ka badan taageeradan looga fadhiyo Qaramada Midoobay. Waxa kale oo ay sheegeen in heerka aqooneed ee saxaafadda Somaliland yahay mid hooseeya, sidaasi darteedna loo baahan yahay in la kobciyo aqoontooda.
olja2
Afarta weriye ee ku guulaystay tartanka oo magacyadoodu kala yihiin; Naasir Maxamed Cabdillaahi oo ka tirsan wargeysa Waaheen, Barkhad Ladiif Cumar oo ka hawlgala Wargeyska Saxafi, Saleebaan Cabdi Cali Kalshaale oo isna ka socday wargeyska Dawan iyo shabakadda Gobanimonews iyo Khadar —– oo isna ka socday wargeyska Yool.
solja1
Dhinaca kale, war-murtiyeed ka soo baxay xafiiska Isu-duwaha Qaramada Midoobay, ahna Xidhiidhiyaha Arrimaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya, ayaa lagaga warramay tartankan, qaabkii loo qaaday iyo ujeeddada laga leeyahay.
War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa Isu-duwaha Qaramada Midoobay ahna Xidhiidhiyaha Arrimaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya Mr. Philppe Lazzarini, waxa uu u qornaa sidan;
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ay iskaashanayaan Qaramada Midoobay ayaa maanta (shalay) u dabaaldegaya 4 qof oo ku guuleystay Abaalmarinta Warbaahinta Soomaalida ee 2013. Abaal-marinta Warbaahintu waxay aqoonsanaysaa xirfadda iyo tayada suxufinimo ee warbaahinta af-Soomaaliga.
Suxufiyiinta Soomaalida ahi waxay ku tartartameen afar arrimood oo kala ah; jinsiga, carruurta iyo dhallinyarada, adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo baadhitaanka suxufiga. Guulaystayaasha waxa loo doortay si banyaanimo ah, iyadoo ay xuleen suxufiyiin Soomaali ah oo ruug-caddaa ah oo ay farsamo ahaana taageerayaan khabiirada warbaahinta ee Qaramada Midoobay. Kuwii kala xulayey may garanayn magaca suxufiyiinta tartamaysa oo summad qarsoon ayey lahaayeen.
Abaal-marinta warbaahinta Soomaalida waxa loo aasaasay si loo dhiirigeliyo suxufiyiinta shaqada wacan qabatay muujiyeyna xirfadda ay u leeyihiin mihnaddooda. Suxufigu wuxu noqon karaa mid u taagan isbeddel wanaagsan iyo horumar. Warbaahin caddaali ah oo dhexdhexaad ahi waxay soo bandhigi kartaa arrimo bani’aadanimo oo muhiim ah, sidoo kale waxay samayn kartaa baraarujin la xidhiidha nabadda iyo horumarka, tusaale ahaan; warbaahintu waxay wax-ka-beddeli kartaa qaababka loo baahiyo wararka la xidhiidha jinsiga, iyagoo soo bandhigi karta warbixin dheellitiran marka loo eego labka iyo dhedigga ama waxay samayn karaan barnaamijyo arrimaha jinsiga ah – sida xad-gudubyada ku salaysan jinsiga, gudniinka gabdhaha iyo ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda. 
“Tayada wax-soo-saarka ee suxufiyiintan guulaystay, farshaxanka iyo xirfadda ay u adeegsadeen afarta arrimood ee ay u tartameen waxay daliil u tahay dedaalka, xirfadda sarraysa iyo hibooyinka suxufiyiinta Soomaalida ee soo kacaysa. Waan ku faraxsanahay in aan aqoonsano hibooyinkan, isla markaana bixino abaal-marino,” ayuu yidhi Philppe Lazzarini, Isu-duwaha Qaramada Midoobay ahna Xidhiidhiyaha Arrimaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya.
Lazzarini wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in suxufiyiinta la taageero si ay u sii wataan gudashada kaalintooda, iyagoo codkooda si aan eex lahayn ugu metelaya dadkooda, isla markaana warka u tebinaya qaab masuuliyad iyo xirfadi ku dheehan tahay. Jiritaanka warbaahin xooggani waxay tiir u tahay bulsho soo-kabasho leh. Suxufiyiintu waa in ay sii wadaan difaacidda xuquuqta dadka jilicdasan ee bulshadooda ka mid ah iyagoo aan u kala eegayn deegaan ahaan halka ay dadkaasi ka soo jeedaan, si ay wax ugu kordhiyaan nabadda, caddaaladda iyo xorriyada.
“Suxufiyiintu sannadihii la soo dhaafay waxay muujiyeen dedaal wax-ku-ool ah oo ay ku soo bandhigeen arrimaha bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed ee dalka ka jira. Qaramada Midoobay waxa ka go’an dhisidda warbaahin xooggan, firfircoon oo masuul ah, taas oo ka shaqaysa danta dadka Soomaalida ah,” ayuu yidhi Lazzarini.
Guuleystayaasha tartankan waxa la guddoonsiiyey qalab ka saacidaya shaqadooda oo ay ka mid yihiin laabtobyo iyo cod-duubayaal, si loo aqoonsado shaqo-wanaagga iyo karaamada suxufiyiinta, abaalmarinta warbaahinta ee 2013 waxay aqoonsanaysaa, guubaabinaysaa, taageeraysaana shaqo-wanaagga warbaahinta.”