Taliyihii Xoogaga Mucaaridka Siiriya oo la casilay

Siiriya(berbernews)Waxaa xilka laga qaaday Gen.Saliim Idris, taliyihii guud ee hogaaminayey ciidamada madax-banaan ee la dagaalamaya xukuumada Bashaar Al Assad.

salimIdiris1

Xoogaga mucaaridka ayaa sheegay in xil ka qaadista Taliyaha ay tahay mid la xariirta isbedal ay ku sameenayaan dagaalka ay kula jiraan xukuumada Bashaar Al Assad.

Waxaa Taliyaha cusub loo magacaabay Col.Abdilillah Al Bashir oo ahaa abaanduulaha xoogaga mucaaridka ee ka dagaalamayey xadka u dhaxeeya dhulka Isra’iil ay heysto iyo wadanka Siiriya.

Berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland