Turkiga oo Sheegay in uu dib u bilaabayo Dhaqaalihii uu siin jiray Dowladda Federaalka Somalia

Turkiga(berbernews)Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay war dhowaan soo shaac baxay oo ku saabsan in ay jartay lacagihii tooska ay siin jirtay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Turki

War qoraal maanta oo axad ah kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu beeniyay in Turkiga uu jaray lacagahaas, waxaana lagu sheegay in dhowaan dib loo bilaabayo bixinta lacagahaas.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda oo magaciisa ka gaabsaday ayaa dhowaan Wakaaladda wararka Reuters u sheegay in lacagaha Turkiga siin jirtay Soomaaliya la joojiyey dhamaadkii sanadkii hore ee 2013.

Sidoo kale Masuul ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyey joojinta lacagahaas isla markaana sheegay in ay socdaan wada hadalo sidii dib loogu bilaabi lahaa bixintooda.

‘’ Waxaan wadnaa qorsheyaal ku saabsan bixinta deeqihii Soomaaliya ee sanadka 2014,’’ ayaa lagu yidhi qoraalka.

 Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland