Wiil Soomaaliyeed oo kaaliye ka noqday filimkii Captan Philips, ayaa ku guulaystay abaal-marinta UK ee BAFTA Awards

London-(Berberanews)-Waxaa markii ugu horaysay abaal marinta aflaamta dalka ingiriiska ee loo yaqaano BAFTA Awards taageeraha jilaha (Best Supporting Actor) ku guulaystay Wiilka Soomaaliyeed ee jilaaga ka ahaa filimkii Captain Philips ee ku saabsana budhcad badeeda xeebaha Soomaalida waa Barkhad
Cabdi, filimkani waxaa matale ama jille ka ahaa Tom Hanks oo ah jilaa weyn oo aad looga yaqaano dunida, waxaana sameeyey aftahanka reer Britain ee Paul Greengras

Barnaamijka Abaal Marinta BAFTA AWARDS Oo Si Toos ah ay boqolaal malyuun oo qof ay telefishanadda uga daawanayeen caawa ayaa wuxuu ka adkaaday Cooper, Brühl, Damon iyo  Fassbender oo ahaa jilayaal aad looga yaqaano barxadaha HOLLYWOOD.

Abaal marintani uu ku guulaystay Barkhad Cabdi ayaa noqonaysa tii taariikhda Afrika markii ugu horaysay ay ka hesho abaal marin sida u caalami ah dunida, haddii aanu nahay Bahda Halbeegnews waxaanu ugu hambalyeyna Barkhad iyo dunida afka soomaaliga ku hadasha guushani ay ka
gaadheen dhinaca jilidda aflaamta.

Halkan ka daawo.