Hoggaamiyihii Hore ee Pakistan, Pervez Musharraf oo Maxkammadda la hor geeyay

 

Pakistan-(Berberanews)-Hoggaamiyihii hore ee Milateriga  dalka Pakistan Pervez Musharraf,ayaa markii u horraysay la soo taagay maxkammad ku taal dalkaas, ka dib markii lagu so oogay inuu ku kacay  khiyaamo qaran.

Maxkammadda la soo taagay Musharrax ayaa Pakistan ku nqootay arrin ay isha ku hayaan bulshada dalkaas, maadaama Musharrax Taliyaha Ciidammada Milateriga ee dalkaas hayay kala baydh 67ka sannadood ee dalkaasi madaxbannaanida haysto.

Kiiska khiyaamo ee Musharrax lagu soo oogay oo bilaabmay December 24, ayaa si lama filaan ah Musharrax loo dhigay Cusbitaal ku yaal magalaada Rawalpindi, ee duleedka Islamabad, Bishii hore ee January.

 “Xushmayn weyn baannu u haynaa Maxkamadda, taasina waa sababta Madaxweyne Musharraf u tegay maxkamadda maanta,”sidaa waxa yidhi looyarka Musharraf Raza Kasuri

 

musharraf