Maxkamadda Hargeysa oo xukuntay Weriyayaal

Hargeysa(Aftahannews):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay inay Racfaan ka qaadanayaan Xukun ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa maanta ku ridday saddex Weriye, halka Weriyaha Afraad-na ay fasaxday, ka dib markii lagu waayey wax dembi ah.

Waeiyayaal

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa maanta go’aan ka gaadhay dacwad loo haystay afar Weriye oo lagu eedeeyay inay ka qayb-qaateen Muddaharaad uu Wargeyska Hubaal caddaalad-darro Xukuumadda Siilaanyo kula kacday kaga cabanayey oo ay Weriyeyaasha Magaalada Hargeysa isugu soo baxeen bilo ka hor.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Hargeysa, ayaa afarta Suxufi saddex ka tirsan midkiiba ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 600.000 Somaliland Shilin ah, ka dib markii ay muddo socotay dacwaddoodu. Weriyaha Afraad oo ahaa Xasan Maal Dhidar oo ka mid ahaa Sawir-qaadayaasha UNIVERSAL TV, ay Maxkamaddu wax dembi ah ku wayday sida uu sheegay Xaakinka dacwaddooda qaaday.

Read More