Ururka Al-Shabaab oo sheegtay masuulliyadda dilka sarkaalkii ugu sarreeyay Nabadsugidda Jubbooyinka

Kismaayo-(Berberanews)-Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka Ciise Raas Kamboon oo ahaa mas’uul sare oo dhanka ammaanka oo xalay lagu dilay magaalada Kismaayo.

Waxaa uu ahaa sarkaalka ugu sarreeya dhanka nabadsugidda ee maammulka KMG ee Jubbooyinka.

Waxaa kale oo weerarkaas lagu dilay saddex askari oo ka tirsanayd ilaalada Ciise Raas Kambooni.

Ciidammada Kenya iyo kuwa Raas Kambooni ayaa Al-Shabaab magaalada ka qabsaday dabayaaqadii 2012-ka.

Haatan waxa magaalada ka jiro maammul KMG oo uu hoggaamiyo Axmed Sheekh Maxamad Islan oo loo yeqaanno Axmed Madoobe.

Ururka Al-Shabaab ayaa weli ka taliya tuulooyin ku dhaw Kismaayo, waxayna mararka qaar weerar ku soo qaadaan ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada.

alShabaab_