Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalilad iyo saxaafadda oo kulan yeeshay

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waranacde iyo qaybaha kala duwan ee hay’adaha warbaahinta, ayaa kulan ku yeeshay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta.

Kulanka dhexmaray wasiirka daakhiliga iyo masuuliyiinta hay’adaha warbaahinta oo ahaa martiqaad ka yimi dhinaca wasiirka, waxa lagaga hadlay labada qodob oo kala ah; dhibaatada qabyaalada iyo hawlaha loogu diyaargaroobayo diwaangelinta madaniga ah (Civic Registration) oo la doonayo in lagu diwaangeliyo dadka reer Somaliland si loo kala saaro muwaadiniinta iyo dadka ajaanibka ah.

warancadde iyo saxaafada2

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde iyo suxufiyiin kala duwan oo kulankaas ka hadlay, ayaa isku aragti ka noqday in lala dagaalamo qabyaalada, isla markaana aanay saxaafaddu baahin warar la xidhiidha qabyaalad lagu kicinayo bulshada, taasoo waxyeeli karta ammaanka iyo xasiloonida ka jirta Somaliland.

Waxa kale oo labada dhinac ka doodeen in la daweeyo meelaha qabyaaladu ka timaad oo ah siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka, kuwaasoo waxyaabaha ay dhibsadaan ama dantooda ka dhex arki waayeen u adeegsada qaab reeraysan oo ku salaysan qabyaalad qayax, iyadoo suxufiyiinta kulankaas ka qaybgalay sheegeen inay warbaahin ahaan ka digtoonaan doonaan in aanay bulshada u baahin cid ku hadlaysa magac qabyaaladeed ama reeraysan, balse halka magaca qabiilka laga sheegi lahaa, lagu beddeli karo in la yidhaah odayaal ama siyaasiyiin ka soo jeeda deegaan hebla, balse aan magaca reerka la faafin, arrintaasoo ah qaab asluubaysan oo loo baahin karo wararka reeraha la xidhiidha.

Waxa kale oo suxufiyiinta iyo wasiirku is weydaarsadeen figrado iyo doodo la xidhiidha qaabka dalka looga qaban karo diwaangelinta madaniga ah, iyadoo aan lagu xad-gudbin diwaangelinta cod-bixiyeyaashaa si aannu dib-u-dhac ugu iman doorashooyinka la muddeeyey inay Somaliland ka qabsoomaan badhtamaha sannadka 2015.

warancadde iyo saxaafada

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa markii kulankaasi dhammaaday si kooban ula hadlay saxaafadda si bulshada loogu iftiimiyo waxyaabaha laga wadahadlay, waxaannu yidhi; “Waxaannu kulan la yeelanay Warbaahinta ka hawlgasha Somaliland, waxaannu u mahadcelinaynaa masuuliyiinta ka socota hay’addaha warbaahinta oo aannu ka wadahadalnay sidii  caalamka looga iibin lahaa horumarka iyo xasiloonida ka jirta Somaliland.  Waxaannu ka wadahadalnay  oo kale in wixii khalkhal gelinaya ama ka hor imanaya horumarka bulshada Somaliland gaadhay oo ay ka mid tahay  qabyaalada, wararka aan runta ahayn, kuwa colaada hurinaya in  ummadda Somaliland in dhamaanba laga reebo wararka bulshada loo baahiyo.”

warancadde iyo saxaafada3

Kulankan ayaa noqonaya kii u horreeyey ee dhexmara Wasiirka daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancadde iyo hay’adaha warbaahinta ka hawlgala Somaliland.