Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Beyruut, Lubnaan

Lubnaan(berbernews)Waxaa saaka (Arbaca) uu qarax xoogleh ka dhacay koonfurta magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan.

 lubnaan

Weerarkan ayaa ah sida la sheegay mid ismiidaamin ah, wararka horudhaca ah ee kasoo baxaya ciidamada amaanka ayaa sheegaya in weerarkan ay fuliyeen labo qof oo naftood-hurayaal ah oo watay mootooyin.

Weerarkan ayaa ka dhacay xaafada ay ku taal Xarunta Hidaha iyo dhaqanka ee dalka Iran waxaa sidoo kale nawaaxigaasi ka ag dhaw Safaarada Iran ee magaalada Beyruut.

Horey ayey weeraro noocaan ah bilihii lasoo dhaafay uga dhacayeen magaalada Beyruut iyo qeybo kamid ah dalkaasi Lubnaan. Waxaana weeraradaasi sheeganayey kooxaha Sunniyiinta ah ee ka dagaalama wadanka Lubnaan ay jaarka yihiin ee Siiriya.

Kooxahaasi ayaa ku eedeeyey ururka Xisbullah ee kasoo jeeda Lubnaan taageerada uu u fidinayo ciidamada Siiriya ee xukuumada Bashaar Al Assad. Sidoo kale dowlada Iran ayey ku eedeeyeen taageerada militari iyo midda siyaasadeed oo ay la garab taagan yihiin xukuumada Siiriya.

Waa weerarkii 7aad oo ka dhaca Beyruut tan iyo intii ay kooxda Shiicada ah ee Xisbullah shaaca ka qaaday inay taageero siineyso xukuumada Siiriya.

Kooxaha ay kamid tahay Jabhatul Nusrah ayaa todobadyadii lasoo dhaafay sheegayey inay dar dar gelin doonaan weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Lubnaan.

 

Berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland