Ugu yaraan 25 ruux oo ku dhintay isku dhacyo dhexmaray boliiska iyo dibedbaxayaal caasimadda Ukraine.

Ukraine(Berberanews)-Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhintay isku dhacyo dhexmaray boliiska iyo dibedbaxayaal caasimadda Ukraine, ka dib markii Boliisku weerar ku qaaday goob ay xarun ka dhigteen dibedbaxayaasha dowladda ka soo horjeeda.

Booliska ayaa isku dayay in ay xoog ku kala eryaan dibedbaxayaasha ku sugan fagaaraha Maidan ee caasimada Kiev, balse Dibedbaxyaasha ayaa iyaguna booliska ku tuuray dhagxaan iyo bambooyin laga sameeyay dhalooyin.

Mas’uuliyadda qalalaasaha

Madaxweynaha dalkaas Victor Yanukovych ayaa hoggaamiyayaasha mucaaradka ku eedeeyay inay mas’uul ka yihiin qalalaasaha ka socda Kiev.

ukraine3 ukraine2 ukraine

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dibedbaxayaasha inay ka fogaadaan dadka uu ku tilmaamay xagjirka.

Mid ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka oo lagu magacaabo Vitali Klitschko, ayaa isaguna sheegay in xaallada ay faraha ka baxday.

Dibedbaxyada waxay billawdeen dabayaaqadii bishi November kaddib markii dowladdu ay ku gacansayrtay heshiis dhanka dhaqaalaha ee ay la geli lahayd Midowga Yurub.

Debedbaxyadan ayaa ka dhashay heshuus Dowladdu dhanka Ruushka  la gaadhay heshiisyo dhaqaale oo ballaadhan.
Dadka rabshadahan ugu dambeeyay ku dhintay waxaa ku jira 6 askari oo boliis ah.
Rabshadahan ayaa ah kuwii ugu xumaa tan iyo markii ay dalkaas ka billaabatay xiisadda siyaasadeed.

BBC