Qalab lagu dhisayo wadada Ceerigaabo oo Hargeysa soo gaadhay

Hargeysa(Berberanews):-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay Gaadiidka lagu dhisayo jidka isku xidhaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag iyo magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco oo dalka soo gaadhay, ka dib markii laga soo dejiyey Dekedda magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, ayaa sannadkii hore dhagax-dhigay waddada Ceerigaab, isla markaana Guddi uu u magacaabay qaadhaan-ururinta dhaqaalaha jidkaas lagu dhisi doono oo bilihii u dambeeyeyba ku hawlanaa qaadhaan-ururinteeda oo ka socota dalka gudihiisa iyo dibeddiisa. Waxaanay Wasiirka Madaxtooyada oo Guddigaas Guddoomiye u ah iyo Xubno Guddiga ka tirsani Gaadiidkaas kaga hortageen Tuulada Kala-baydh oo ka tirsan gobolka Gabiley.

 

Aftahan Radio waxay halkan idiinku soo gudbinaysaa codadka Wasiir Xirsi oo hadal ka jeediyey goobta ay Gaadiidkaas ku qaabbileen, isla markaana sharraxaya tirada iyo noocayada Gaadiidku isugu jiro, ee dhagaysi habboon. Halkan hoose guji si aad u dhegaysato codka ama aad u rogato.

Halkan ka dhegayso Wasiirka oo ka hadlay.


sawirrada
qal2 qal3