Wasaaradda Macdanta iyoTamarta Oo Shirkad Shiine ah la Saxeexay Heshiis ay Dalka Kaga Baadhayso Dhuxul dhagax

HARGEYSA (berbernews)- Wasaarada Macdanta  iyo Tamarta Somaliland ayaa maanta heshiis hordhac oo ku saabsan sahaminta shidaalka iyo dhuxul dhagaxda la saxeexatay shirkada DONGSONG oo ah shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

 Xuseen Du,aale

Wasiirka wasaarda macdanta iyo Tamarta Somaliland Md.  Xuseen Cabdi Ducaale oo ka hadlay heshiiska hor dhaca ah ee ay la galeen shirkadaasi ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay soo dhawaynayso shirakadaha caalamiga ah ee maal-gashanaya, waxaanu tilmaamay in shirkadu ay Somaliland ka baadhi doonto dhuxul dhagaxda oo ka buuxda dalkeena, isagoo intaa raaciyay in marka la baadho heerka dhuxul dhagaxda oo la ogaado inay geli karto ganacsi shirakadu ay suuq gayn u samayn doonto.

Wasiirku waxa intaa uu ku daray in shirakadu ay dalka ka samayn doonto wershad laydhka bixisa oo ku shaqayan doonta Tamarta dhuxul dhagaxda taas oo soo saari doonta dab laydh tiriig awoodiisu ay dhan tahay 100 mega wayt qiyaasta leydh tiriiga, halka sidoo kale ay dalka ka dhisi doonto wershad safayn doonta dhuxul dhagxda nooca wax lagu karsado waxaana heshiisyadaasi shirkadda dongosog u saxeexay masuulka labaad ee shirkaddaasi u sareeya.

Shirkada Dongsong oo ah shirkad caalami ah ayaa xarumo ku leh wadamada Burundi ,yugaandha iyo nayjeeriya taasoo fursado maal gashi ka samaysa wadamada caalamka dalka somaliland-na wax badan ku soo kordhin doonta haday tahay dhaqaale ahaan iyo hadii ay tahay fursado shao abuur waxaana dalka somaliland uu noqoqnayaa dalkii afaraad ee ay heshiis maalgashi la saxeexato .

 

Berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland