“Ciidamadeenna gaarka ah waxay maanta weerareen meesha loogu yeedho madaxtooyada Soomaaliya..” Al-shabaab

Muqdisho-(Berberanews)-Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay masuulliyadda weerarkii khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca sababay ee maanta ka dhacay  madaxtooyada Sooomaaliya..

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu-Msucab ayaa sheegay in xoogaggood ay u galeen gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayna muddo halkaas kula dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Ciidamadeenna gaarka ah waxay maanta weerareen meesha loogu yeedho madaxtooyada Soomaaliya, waxayna ku dileen xubno sare oo dowladda ka tirsan,” ayuu warbaahinta u sheegay Abuu-Muscab.

Dhanka kale, ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dajire Nicholas Kay ayaa isaguna sheegay in weerarka lagu qaaday xarunta madaxtooyada uu fashilmay.

“Weerarku wuxuu sababay dhimasho, si adaga ayaan u cambaareynayaan falkaas argagaxisonimo,” ayuu yidhi Kay oo sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu caafimaad oo aysan waxba gaarin.

Sidoo kale, wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo isaguna hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku fashilantay weerarkan madaxtooyada, kooxihii weerarka soo qaadayna laga dhigay kuwo la qabto iyo kuwo la dilay, inkastoo uusan tiradooda sheegin.

Sheekh Abuu-Muscab ma sheegin in xoogaggoodii weeraray madaxtooyada ay dhinteen iyo in kale, wuxuuse sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay weerarro ay ku beegsanayaan xarumaha dowladda Soomaaliya.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com