Mucaaridka Ukraine oo ku guulaystay Riyadoodii Midowga Yurub

Ukraine-(Bbc)-Madaxweynaha Ukraine ayaa ku dhawaaqay heshiis nabadeed ka dib qalalaasihii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca tan iyo markii ay billawdeen dibedbaxyada dowladda looga soo horjeeda.

Arrintan ayaa ka dambaysay wadahadal habeen hore  socday oo uu madaxweynaha la yeeshay mucaaradka iyo wafdiga ka socda Yurub ee dalkaas booqanaya.

Warbixin uu soo saaray madaxweyne Victor Yanukovych ayuu ku sheegay in maanta duhurkii saacadda Ukraine la saxiixi doono heshiiska.

Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaan weli xaqiijin arrintan.

ukraine

Midowga Yurub

Boliiska iyo dibedbaxayaasha ayaa isku hor fadhiyo fagaaraha Maidan ee ku yaalla bartamaha caasimadda dalkaas ee Kiev.

Midowga Yurub ayaa go’aansaday in ay cunaqabateyn ku soo rogayaan shakhsiyaadka ay aaminsan yihiin in ay ka dambeeyaan rabshadaha ka socda Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibada ee Talyaaniga, Emma Bonino, ayaa sheegtay in shakhsiyaadka gacan ku dhiiglayaasha ah ay ka qaadi doonaan tallaabooyin ay ka mid yihiin, in socdaalkooda iyo hantidooda la xayiro.

Wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub in uusan arrinta dhex dhexaad ka ahayn.

Ruushka

Waxaa uu sheegay in Midowga Yurub uusan cambaareyn dhibaatooyinka ay geysanayaan dadka dibadbaxyada wada.

Balse madaxa siyaasada dibada ee Midowga Yurub, Catherine Ashton, ayaa arrintaasi beenisay.

Ugu yaraan 75 qof oo ay ku jiraan askar boolis ah ayaa ku dhintay rabshadaha Ukraine tan iyo Tallaadadii la soo dhaafay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa ku tilmaamay xaallada Ukraine ay ku jirto mid aad u xun.