Qoysaska labada Kuuriya oo Mudo 60-Sanadood ka Dib midoobaya

N-Kuuriya(berberanews)Qoysaska labada Kuuriya ee dagaaladii dhexmaray labada dal mudo laga joogo 60-sano kala qeybiyeen ayaa markii u horeysay dib u midoobaya si kooban tan iyo 2010-kii.

 kuriiya1-

Arrintaan ayaa timid kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay soo jeedisay in xiriirka labada dal la hagaajiyo dhowaan, waxaana qoysasku labada dhinac is arki doonaan inta u dhaxeysa 20-ka bishaan ee ku beegan maanta ilaa 25-ka.

Waxaa ay ku kulmi doonaan meel loo dalxiis tago oo ku taalla Kuuriyadda Waqooyi una dhow xadka labada dal.

Sidoo kale waxay kusoo beegmaysa xilli isniinta soo socota ay Milateriga Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed si wadajir ah u sameyn doonaan dhoolatus milateri oo hore loo sii qorsheeyay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa goor hore kusii hanjabtay in ay hakin doonto kulanka qoysaska kala irdhoobay haddii Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed sameeyaan dhoolatuska milateri.

Qoysaskaan ayaa intooda badan is arag mudo ka badan 60-sano, waxaana muddada ay wada joogaan is dhaafsadaan hadiyado kala duwan.

Odey 85-sano jir ah oo reer Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in walaashiis oo hadda jirta 81-sano uusan arag mudo 64-sano, wuxuuna tibaaxay in ay tahay fursaddii u dambeysay iyada ku arko.

Dagaaladii labada Kuuriya oo socday 1950-1953-dii ayaa waxaa ku kala qeybsamay qoysas ka badan 70,000-kun iyadoo labada dal la kala qeybiyay taasna caqabad weyn ku noqotay in ay dib isu arkaan ama midoobaan.

 Berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland