Ururka WADDANIGA Ah Ee AFGARAD Oo Golaha Guurtidda Ku Bogaadiyay Go’aanka Ay Ku Xaliyeen Khilaafkii Golaha Wakiiladda

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha ururka Waddaniga ah ee AFGARAD Axmed Maxamuud Cali (Shiine) ayaa Golaha Guurtidda Somaliland ku hambalyeeyay Go’aankii ay ku soo af-jareen khilaafkii xambaarsanaa mooshinadda Siyaasadeed ee ka taagnaa Golaha Wakiiladda.

 

Guddoomiye Shiine oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay urur ahaan soo dhaweeynayaan qodobadasi lagu xaliyay khilaafkaasi, isla-markaana waxa uu ugu baaqay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda  inay gartaan Masuuliyadda iyo waajibaadka Shacabku u  Soo doorteen.

 download(1)

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Uruka Wadaniga ah ee AFGARAD waxa uu Golaha Guurtidda Jamhuuryadda Somaliland ku bogaadinayaa sidii geesinimadda lahayd ee ay u damiyeen Khilaafkii bar-yahan ka aloosanaa Golaha Wakiiladda, Shacabiga Somaliland waxay si kal iyo laab ah u soo dhaweeyeen dhawaaqii yidi-diiladda ahaa ee ka soo baxay Odayaashii dhex-dhexaadinta wadday. Uruka AFGARD waxa uu ugu baaqayaa Golaha Wakiiladda inay Umadda uga tagaan dhaxal fac ilaa fac la isticmaalo, sidda xeerar wanaagsan IWM ”

 

 

ALLA MAHAD LEH MD. Axmed Maxamuud Cali (Shiine)

 

Guddoomiyaya Ururka WADDANIGA ah ee AFGARAD.