Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo ka hadlay Hadal-haynta muddo kordhin Madaxweyne Silaanyo

Hargeysa(Berberanews):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo cod u dhigma boqolkiiba 49%-kii ku guulaystay doorashadii Madaxtinnimada Somaliland oo qabsoontay 26 June 2010-kii, ayaa wakhti muddo-xileedkiisa sharciga ah ay ka hadhsan yihiin sannad iyo saddex bilood waxa soo baxaya hadal-hayn iyo saadaal la xidhiidha in muddo-kordhin loo samayn doono.

Ibraahim-Iidle-Saleebaan

Warar maalmihii u dambeeyey soo baxay oo ka soo yeedhayey Xisbiyada Mucaaridka ah qaarkood, Madaxda Dhaqanka xubno ka mid ah iyo ila-wareedyo ay Warbaahinta qaar soo xiganayeen, ayaa waxa ka mid ahaa warar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo iyo Garyaqaanka guud ee dawladdu ka ka wadahadleen sharcinnimada muddo-kordhin Madaxweynaha loo sameeyo.

Hase-yeeshee, Garyaqaanka guud ee dawladda Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa beeniyey inay Madaxwayne Axmed-Siilaanyo ka wadahadleen wax la xidhiidha muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynaha marka waqtigii la doortay dhammaado, kaasoo ay sannad iyo saddex bilood ka hadhsan yihiin.

Gar-yaqaan Iidle waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta Warbaahinta uga jawaabay su’aalo kooban oo ay warkaas oo warbaahinta qaar faafisay ka weydiiyeen, ayaa sheegay inaanu jirin wax wada-tashi ah oo ay Madaxweynaha iyo Garyaqaan ahaan ka sameeyeen arrintaas, warkaasina yahay mid aan xaqiiqda la waafajinnin.

“Arrintaasi annagu wax xog ah kama hayno, iska daa’ ka wada hadal iyo wax iska weydiine, markaa ma jirto kulan aanu Madaxwaynaha arrintaasi kagala hadlay ama uu wax igaga waydiiyey. Doorashooyinka guud ahaana iyo ta Madaxwaynahaba waxa u xil saaran guddi dastuuriya oo guddida doorashooyinka qaranka.”  Sidaa ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee Xukuumadda Somaliland Ibraahin Iidle Saleebaan.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqmeedka Somaliland ee Beesha Madaxweynaha ka soo jeeda, ayaa Khamiistii inna dhaaftay shaaca ka qaaday in la diyaariyey oo ay miiska saaran tahay muddo-kordhin loo samaynayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) marka muddo-xileedkiisu dhammaado, isagoo Mucaaridkana ugu baaqay inay aqbalaan oo ay samraan marka mudda-kordhintaas loogu dhawaaqo Axmed-Siilaanyo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isaguna toddobaadkii hore shaaca ka qaaday tuhun la xidhiidha muddo-kordhin la dhaqdhaqaajinayo, waxaanu sheegay haddii sannad iyo saddex bilood oo ka hadhay xil-haynta Madaxweyne Siilaanyo doorashada lagu diyaarin waayo, inaanay aqbali doonin in hal maalin oo muddo-kordhin ah loo sameeyo Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa ee ay dhisi doonaan dawlad mucaarid ahaan.

Halkan Riix