Guddida Turxaan bixinta Xisbiga Kulmiye oo caawa si rasmi ah ugu dhawaaqaysa go’aammo

Hargeysa(berberanews) Guddida Turxaan saarka khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa caawa iclaamiyey in ay ku dhawaaqayaan go’aamo ay ka soo saareen kulamadii ay la yeesheen labada Garab, kuwaas oo la filayo in ay soo af-jari doonaan caqabadihii keenay dibu-dhaca shirweynahooda.

 Kulmiye

Lama oga go’aamada ay soo saari doonaan in ay noqon doonaan kuwii ay hore u gaadheen guddidii Guddoomiyaha  Guurtiddu ku dhex dhexaadiyey iyo in ay noqon doonaan kuwo cusub oo wax ka bedeli doona qaabka Shirweynaha Xisbigu u qabsoomi doono.
 
Qoddobka ugu adkaa ee Garabka Xukuumaddu ka biyo diidsanaayeen isla markaana ku ahaa Garabka Muuse Laf-dhuun gashay waxa uu ahaa ka Guddoomiye Muuse u ogolaanayey in aan lagula tartamin Guddoomiyanimada taasoo ay Garabka ka soo horjeedaa Aqbaleen kadib markii madaxweyne Axmed Siilaanyo ka codsaday hase yeeshee ta ay diidanaayeen waxa ay ahayd Guddoomiye Muuse Biixi oo kuwa kale ee Hogaanka doonayey in lagu tartamo oo uu keensado taageerayaal la sifan, halka kooxda kale ee imika kula jirta Hogaankuna ay ku diidanaayeen qorshahiisa.
 
Dooda qoddobkaasi waxa habeen hore kulankii labada Garab ku yeesheen Madaxtooyadda isla markaana ay ka gar-naqayeen Guddida Turxaan bixintu looga dooday si adag, walow guddoomiyaha Kulmiye damaciisii hore carabka ku dhuftay hadana Garabka kale ee ka soo horjeedaa waxay si badheedh ah goobtaas uga cadeeyeyyn in haddii kuwooda lagu tartamo ka Muuse Biixi-na lagu tartami doono.
 
Sidoo kale, qoddobada aadka looga Dooday ee ay labada dhinac ku kala fogaayeen ee la filayo go’aamada Caawan in lagu kaa calaf qaadi doono waxa ka mid ah ka awooda guddida qaban qaabada iyo xubno cusub oo iyaga oo aan la Ansixin guddida lagu daray, kaasoo keenay in labada dhinac ku kala fogaadeen maadaama arrintaasi ay saamyn ku yeelan doonto soo xulista Ergooyinka oo kolba fursad u noqon doonta cida maamulkooda gacanta ku haysa.
 
Guddoomiyaha Guddida qaban qaabada Abuubakar Xaamud Jibriil oo dib ugu laabtay dalka Maraykanka ayaa la sheegay in loo yeedhay si uu hawlgalkii qaban qaabada dib ugu bilaabo maadaama la soo af-jarayo khilaafkii Xisbiga Kulmiye.
 
Guddoomiyaha Guddida qaban qaabada oo ah Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland oo aan ka qayb galin kiulamada loogu gar-naqayey labada Garab intooda badan ayaa laga yaabaa in aanu caawa gtoob joog ka noqonin ku dhawaaqista go’aamadan, waxaanu ku sugan yahay Dalka Itoobiya, waxaanay  wararka qaarkood sheegayaan in uu soo codsaday in lala sugo ku dhawaaqista go’aamada.
 
Si kasta ha ahaatee Khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa laga yaabaa in lagu soo af-jaro qoddobo wada raali gelin doona dhinacyada sida ka muuqatay kulankoodii ugu danbeeyey.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland