Qurbbo-joog iyo jacayl

W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi (Dalxa)
Ma jirto wax nolosha iyo dhismaheedaba kaga qurux badan inay abuuraan qalbiyo ka middeysan dareen iyo is doonis dhab oo ka soo if baxda hanaankooda geeddi socod ahaaneed muhiimadiisuna tahay in la helo dad, dhallin ama fac ka run sheegi karta nolosha dhabta ah iyo dhismaheedaba.
Waxaase geeddigaas ragaadiyey oo jid gooyo ku noqday jeebkii oo noloshii caadiga ahaydba ka dhigay mid lagu kala duwan yahay sina aan loogu wadda nooleyn, maxayeellay adiguba caqlaad leedahee jeeb iyo gabadh jaah leh sow iskuma haboona, waa fikir inta ugu badan dad badni ay aaminsan yihiin.
Ilama haboona oo qudha inaad inaad ku qanacdo baahi aduun, maaha nolosha dhabta ahi mid ku salaysan maal , suuro-galna maaha inaad iibsan karto nolol iyo raaxadeed kolba haddii aanad lahayn kasbasho. Noloshu waa is af-garasho, is doonis iyo rabitaan ka yimaada qalbiya ku qanacsan heerkooda mustawaha nolosha ay rabaan inay abuuraan.

DALXA
Haddaba hadaynu intaa ku dhaafno nolosha dhabta ah iyo in loo bahan yahay akhyaar ka mideysan gundhigeeda, maxay tahay carqalada kale ee haysata da’yarta abuuraysa jidkay u marri lahayeen mustaqbalkooda nololeed?
<<Ka soo qaad inaad tahay wiil qurbbo joog ah, waxaad tahay wiil in-dheer garadd ah oo nolosha ka eega meel fog sidii uu u xullan lahaa gabadhuu noloshiisa inta ka hadhay la abuurri lahaa, waxaa kuu cuntami waayey gabadhihii waqtigaa aad ku arkaysa waddan ka aad dagan tahay.
Ileen waxaad tahay nin dhull iyo dad ka soo jeedee waxaad u soo boholyowday dadkii, dalkii iyo dhullkii ay ku noolaayeen hablihii geeska afrikaba u quruxda badnaa illahayna diinta ku maneystay, judhiiba lamaad soo booddin tikidhka iigoo waa falayt keeye!!!
Ileen waxaad tahay nimuu damac waddee waxaad dib ugu laabatay jeebkaaggii iyo in ay maanta isku kaa gadhey oo aad rabto qofkii noloshan kula sii waddi lahaa, dhawr asxaabtaa u yeedhidoodi ka dib falaqeyn , isla meel marrin in aad sannadkan guursado maaddama aad awooddo.
Go’aankaagu waa in sannadkan aanay kula dhaafin ujeedadaa aad leedahay, ma xume tallow sidee , halkee loo marayaa gabadhii la dooni lahaa. Ala! Oo sowta walaal iyo asxaateed nool, waxaad la soo booday khadkii. Hellow! Walaal ma wacan tahay, Haaye Adiguna xaalkaaga ka warran? Nabad nabad, waxaan ahayn ruqaansi sannadkan igu dhashay!!!
Oo walaal waa kheyre ma dhabaa? Haa iigama danbeyso, ee mala helayaa gabadh jaah iyo joogba leh? Haa walaal? Hadba farsamo keen anigu waxaan rabaa markaan imaado in aanan dhinacba eegin arooska iyo meherkuna isla maalin qudha ii qabsoomaan? Dhibaato ma jirto farsamana anaa ku haya , immika baadhi uun baa la sameeyaa vedio na waa lays ka doobaa, hablaha inta lagu tuhmayo jaahna waa la soo marti qadaa, ka dibna cajaladda baadhiga uun baan ku soo diri adiguna waad ka xullan gabadha kuu noqota, hadaa waa arrin fiican sidaasaynu isku ognahay!!!
Waxa adigoo jooga qurbihii ku timid cajalidii oo lugaynaysa, waxaad habeenkii oodhan indhuhu idin ku baxeen dawashadii hablaha iyo xulashadoodii adiga iyo asxaabta iyo qaar kaloo kula mid ah <guur-doon ah>, waxaad habeenkii oodhan gorfeysaanba hadal wuxuu ku go’ay war aniga taasaa ideeqday!! Anigana taas!! Sidaa iyo hawl gal wanaagsan.
     Maalintii maalintaaa la sineydba war celintii laga sugaayey gudubtay, waxa dhacay tashkiilis si gabadhi loo waafajiyo looguna qanciyo inuu guursado wiilkani, maaddama nasiibkeedu siiyey nin dibadaha jooga. Waxa la sugaa waa meherkii iyo reerkiina inaad u soo sheegto wiilkuna waa diyaar.
Gabadhii iyo xafadoodiiba isla qaaday in wiilkaa iyo gabadhooda sidaa laysku siiyo, hadday diidmo jirtana waalidkuun arrintan loo soo bandhigo sidaasna reerka lagu dhiso. Cajab !!! ballantu waa sabtida iyo falaytka wiilka oo ku beegan jimcaha, qabuushiiba waxaa xigay guri ina daji gog-lan, aan kuwadda noolaano inta ka hadhay muddaan fasaxa aan haysto insha allaah markaan soo noqdo baynu si wanaagsan u wadda aqal geli, hadda wadaadow waadigii horey u yidhi meherka iyo aqal galku way isku lamaan yihii , waxba inagama xuma waana sidaase ma laba bilood baa fog xabiibti shaydaanka inaga naar, halkan iska daganow, biilka iyo kiradana anaa soo diri, labadaa bilood dabadoodna halkan baan u soo wareegayaa sidaasna nolosheenu haynoogu curato.

Qurbihii lagu noqoy maxa xigay , waa laba sanno waxa ka soo wareegtay meel wiilkii lagu tirriyo iyo si uu xaal yahayba yaab iyo amakaag baa u dhamaaday gabadhii loo soo afmeeray, sidaasna waxay ku weyday noloshay sawiranaysay , waraqada halayga qaado iyo wixii aan xaal ku lahaa, intiiba loo qaddin, ciil weynaa nin waqtigii ku dhaafiyey, haatana carmal kaa dhigay..!!!
Dhibaatadu maaha oo qudha in nolosha laga been abuuro waayo laga yaaba in rajo dhimatayba ay dib u soo noolaato, waxaase wax la aaminay noqotay in haddii la maqlo qurbo joog loo cararayo, iyaddoo aan la daneyneyn qalbiyada qaarkood ruuxay noloshaba u hureen ka doorbiday ruux kale.
Waa dhibaatada ay abuuraan dadyawga qurbo-jooga ah qaarkood waayo nin duunyo lihi maxaa uga dan ah nin jacayl hayo, una hayo qofuu damcay. Qalbigiina waad ka disheen dhallintii is jamatay waxna dhaqan maysaan oo hablihiina waad calaf-seejiseen.
Waa sababta dad badan oo niyad jab ka qaaday arrimahan ku keliftay inay noloshoodaba qaarkood huraan, qaarkood isku bimeeyaan baddweyn alle og-yahay , halka kuwo kalena niyad jabkii  ku dhacay ay noloshiiba ka fogaadeen kana aamineen fikir liita oo tusay sawir muujinaya rajo la’aan quus halkii u danbeysay.
Hal baanse ku soo afmeeri lahaa qoraalkaygan gaaban;
    <<<Dadka intii is ogol ha laysku daayo, intii kala fogna ha laysku soo dhaweeyo, intii aan is qaadi karrina yaan laysku qasbi, inta soo hadhana ha loo daayo camalkooda, diinta iyo dhaqankana yaan laga tegin.!!!!
Email: ridwaan_99@hotmail.com
Hargeisa Somaliland.