Hargeysa (berberanews) – Guddidii Turxaan bixinta Khilaafka xisbiga Kulmiye, ayaa caawa soo gabogabeeyay khilaafkaasi isla-markaana soo bandhigay qodobbo lagu heshiiyey oo labada dhinacba raali ka yihiin.
War-saxaafadeedka lagu shaaciyey heshiiska laga gaadhay khilaafka xisbiga Kulmiye ayaa u dhignaa sidan:-
Ku: Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Ku: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
Og: Madaxwaynaha JSL
Ujeedo Gudida turxaan bixinta xisbiga kulmiye
Mudanayaal sida aad la wada soctaan waxa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland magacabay Gudida turaxaan bixinta khilaafka soo kala dhex galay madaxda sare ee xisbiga kulmiye oo saamayn ku yeeshay qabsoomida shirweynaha seddexaad ee xisbiga kulmiye gudidaas oo ka kooban toban xubnood waxay si mug iyo miisan leh uga hawl gashay shaqadii loo igmaday.
Gudidu si ay u daristo baaxada khilaafka iyo waxa lagu kala qabanayo waxay kulamo gooni gooni ah la yeelatay dhinacyadii wax kala tirsanayay iyadoo dhinac walba la yeelatay saddex kulan oo gaar ah si khilaafka loo furdaamiyo waxayna gudidu kulamo shakhsi shakhsi ah la yeelatay xubnaha xisbiga ee kala cabanayay kaas oo ay u kala dab qaadaysay.
Kulmadaas gaar gaar ah ka dib waxay gudidu si toosa ah isu soo hor fadhiisiisay dhinacyadii wax kala tirsanayay kuwaas oo dhinac walba ku soo bandhigay wixii uu tirsanayay si furan oo saraaxad leh.
Gudidu markii ay dhamaysa doodihii dhinacyada isla markaana ay si baaxd leh u daristay nuxurka khilaafku ku salaysanyahay waxay soo saartay go’aamadan.
2. Iyadoo la raacayo dastuurka Xisbiga waxay gudida fulintu ansixisaa afarta xubnood ee lagu soo daray gudida qaban qaabada
3. Hadii loo baahdo wax ka badalka dastuurka xisbiga waxa awooda diyaarinta wax ka badalka yeelanaya gudida fulinta, waxaana soo jeedintooda ay u gudbinayaan gudida qabanqaabada oo iyana u gudbin doona shirweynaha
4. Iyadoo la dhawrayo wada jirka Xisbiga waxay gudidu go’aamisay dhamaan xubanaha Hogaanka oo kala ah Gudoomiyaha iyo Afartiisa ku xigeen iyo Xoghayah guud sidooda loo daayo oo aan cidi kula tartamin isla markaan shirweynaha dib loogu soo doorto si loo mariyo sharciyada
5. Ina C/casiis Maxamed Samaale uu ka mid noqodo gudida fulinta ee xisbiga
6. Gudida fulinta ee cusub waxa soo magacaabaya Hogaanka xisbiga oo wada jira, waxanay kala tashanayaan Madaxweynaha Jamahuuriyada Somaliland
7. Saddexda Urur ee kala ah Dalsan, Damal, Ummada waa in la siiyo Liisaska xubnaha Golayaashooda dhexe si ay uga qayb galaan shirweynaha Xisbiga ee soo socda
8. Sida uu dhigayo sharciga Xisbigu Ergooyinka shirweynuhu waxay ka imanayaan Gobolada iyo Degmooyinka , waxaana soo xulaya Madaxda Xisbiga ee Gobolada iyo Degmooyinka iyo Masuuliyiinta Heer Qaran ee Xisbiga U matalaya Gobolada iyo Degmooyinka
9. Soo xulista xubnaha golaha dhexe ee lagu dooran doono Shirweynaha waxa lagu soo xulayaa sida ku cad qodobka sideedaad