Wasaaradda Beeraha Oo Kooxaha La Dagaalanka Ayaxa U Dirtay Galbeedka Dalka

Hargeysa(berberanews)Wasaaradda beeraha Somaliland, ayaa maanta kooxdii u horeysay u dirtay deegaanada galbeedka Somaliland oo uu ka dilaacay Ayax dhibaato ku haya beeraha.

Geedoole

Wasiirka Wasaaradda beeraha Somaliland, Prof. Faarax Cilmi Geedoole, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Ayaxu dhibaato badan ku hayo dalka, sidaa daraadeedna ay direen kooxo buufinaya, si dhibaatadiisa loooga hor-tago.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa inaanu ka hor tagno Ayaxii oo dalka dhibaato badan ku haya, maantana laga soo sheegay Ceel-daraad ilaa Lughaya, waxaan idiin sheegayaa in maanta kooxdii u horeysay u baxayso si looga hor-tago Ayaxa, kooxdaasina waxay ka kooban tahay DLC iyo DRC, labadaa hay’adood oo ku shaqo leh Ayaxa, waxayna u baxayaan meelaha uu Ayaxu ka jiro, maynaan gaadhin marxalad aynu diyaarad isticmaalo oo xoolaheenii oo dhan ayaa xeebta jooga, waxaanuna ka baqnay inaanu dhibaato gaadhsiino, kooxahaasina waxay ka soo bilaabayaan Lughaya, ka dibna xagga bariga ayay u kacayaan”

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland