Xukuumadda Somaliland oo bilawday dhegaysiga tilifoonnada Axsaabta Iyo Hal-doorka Mucaaridka

Qaahira(Berberanews):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa bilawday tallaabooyin sirdoon oo ay ku daba-gelayso dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan axsaabta iyo hal-doorka mucaaridka, laga bilaabo markii lagu unkay Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo ah is-bahaysi siyaasadeed oo ay sas weyn ka qaadday.

Tallaabadan ayaa sababtay in ay qaar ka mid ah madaxda axsaabta Somaliland beddelaan taleefannada ay adeegsadaan. Ilo u dhuun-daloola Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Murashaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo dhawr jeer beddelay numberkiisa moobilka oo ay Aftahannews weydiisay sababta kelliftay tan ayaa yidhi “waxa la dhegaystay dhaqdhaqaaqiisa, cidda ay xidhiidhka leeyihiin iyo qorsheyaasha xisbiga UCID, taas ayaana dhalisay in uu kolba qaato taleefan cusub”.Mobile-Phones-300x212

Daba-galka ay xukuumaddu ku hayso mucaaridka, gaar ahaanna basaasidda khadka taleefanka ayaa sababay in Xisbiga UCID loo maleego falal  cabudhin ah, sida diidmadii badheedhka ahayd ee gelitaanka Gebiley iyo isku-daygii fashilmay ee  tegitaanka Burco si ay taageeradooda u muujiyaan.

Wararka ay helayso mareegta Aftahannews ayaa xaqiijinaya in ay tallaabadan ka cawdeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirkii Hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo si joogto ah u gana qoraallo iyo gantaallo siyaasadeed, oo aan laga nuuxsan karin.

Si kastaba ha ahaato’e, waxa aan la caddayn karin sharciyadda fasaxaysa dhegaysiga taleefannada u gaarka ah muwaddiniinta Somaliland iyo sababaha ku dirqiyay in ay Shirkadaha Taleefannadu xukuumadda u oggolaadaan fashilinta siraha mucaaridka, maadaama oo ay yihiin xarumo ganacsi si siman ugu adeega muwaaddiniinta iyo guud ahaanba macamiishooda.

Falkan ayaa muujinaya kalsooni-darrada caddaanka ah ee ay Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda Siilaanyo ka qabaan baratanka ay kula jiraan Axsaabta mucaaridka ah ee ay ku loollamayaan hogggaaminta qaranka, waana mid fadeexad ah oo ay weji-gabax kala kulantay Xukuumadda Dalka Maraykanku.

La soco xogo kale oo mawduucan, gaar ahaanna saamaynta ay arrintani ku yeelatay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Engineer Faysal Cali-Waraabe iyo xubno kale oo aan idiin soo gudbin doonno.

Maxamed A. Jaamac

maxdjaamac@gmail.com

Aftahannews.com

Qahira/Masar.