Aabe Ugu Hanjabay Dawlada Sucuudiga Inuu Iibin Doono Wiilashiisa Hadaan La Caawin

Saudi Arabia(berberanews)Aabe u dhashay dalkaasi Sucuudiga ayaa ugu hanjabay dowladda inuu iibin doono saddexdiisa wiil ee yaryar hadii ay caawin waayaan isaga, sida ay sheegeen  wargaysyada dalkaasi kasoo baxa.

Aloush Al- Dosari

Aabahan oo la yidhaa Aloush Al- Dosari oo ku nool magaalada la yidhaah Al-Aflaj ayaa u sheegay wargayska inuu aad ugu dagaalamay sidii ay  wiilashiisa yaryari ay ugu biiri lahaayeen iskuulada dowladda iyo inay  qaataan kaadhadhka caafimaadka, laakiin loo diiday codsigiisii taas oo ay dowladdu ku caddaysay go’aankeeda in aanu haysan kaadhka aqoonsiga qaranka ee  loo yaqaan national identity card.

“Waan waayey inay wiilashaydu heleen waxbarasho iyo caafimaad lacag lahaan ah” ayuu yidhi Aabahaasi waxaanu intaasi ku daray “Hadii aanay i caawin masuuliyiinta dowladdu, wax kale oo aan sameeyo ma garanayo inaan iibiyo mooyaane” Aabahaas dhalay wiilashaasi ayaa sidaasi u sheegay wargayska kasoo baxa dalkaasi Sucuudiga ee la yidhaa Sada.

Berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland