Carwadii u Horreysay ee u Gaarka ah Ganacsiga Haweenka Somaliland oo ka Furantay Hargeysa + Sawirro

Hargeysa (Berberanews)- Carwadii u horreysay ee u gaar ah ganacsiga haweenka reer Somaliland, ayaa si rasmi ah uga furantay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta.

Carwadan oo loo bixiyey Hal-abuurka Dumarka, laguna soo bandhigay 50 ganacsiyo ay leeyihiin haweenka ku dhaqan caasimadda Hargeysa, taas oo ay soo abaabushay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada ee ILO waxa ujeeddadeedu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa, isla markaana loo dhiirigelin lahaa ganacsiga haweenku gacanta ku hayaan.
Carwadan oo socon doonta muddo laba maalmood ah, waxa furitaankeeda ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Md. Bashiir Cabdi Xariir, Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga, masuuliyiin kala duwan, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah iyo dumarka ganacsatada ah ee wax-soo-saarkooda soo bandhiggay, waxaanna lagu soo bandhigay badeecado kala duwan oo u badan wax-soo-saar ay samaysteen dumarku, kuwaasi oo lagu iibinayo qiimo ka jaban sidoodii hore.
Madaxa Hay’adda ILO ee Somaliland Mr.  Maxamed Cabdiraxiim Sheekh oo furitaankii carwadaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay oo si qoto dheer uga waramay u jeeddada ay hay’addooda ugu talogashay bandhigga carwada, isagoo sheegay inay tahay mid kor loogu qaadayo ganacsiga haweenka, waxaannu xusay in hay’adoodu tababaro siiso dumarka ganacsatada ah.

carwada-dumarka1 carwada-dumarka2 carwada-dumarka3 carwada-dumarka4 carwada-dumarka5 carwada-dumarka6 carwada-dumarka7
“Ujeeddadu ugu weyni waxay ahayd inay dumarku fursad u helaan inay soo bandhigaan ganacsigooda. Waxaannu tababarro siinay ilaa 50 urur oo haween ganacsi ah, kuwaasoo badeecadahooga ku soo bandhigay carwadan,” ayuu yidhi Madaxa Hay’adda ILO ee Somaliland.
Xoghayaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mr. Ibraahim Ismaaciil oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa hay’adda ILO uga mahadnaqay fursadaha ay dumarka u siiyeen inay ganacsigooda ku soo bandhigaan carwada laga furay Hargeysa, isagoo xusay in tallaabadaasi sare u qaadayso dhiirigelinta wax-soo-saarka haweenka iyo sidii loo kobcin lahaa ganacsiga dumarku gacanta ku hayaan.
Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Md. Bashiir Cabdi Xariir, ayaa carwadaas ka sheegay in wax-soo-saarka ganacsiga dumarku kaalin weyn kaga jiro horumarka dalka.
“Haweenka markaan gaar u soo qaato waxay gacanta ku hayaan ganacsiga yaryar, kaasoo wixii ka soo baxa uu si toos ah u gaadho qoysaskooda,”ayuu yidhi Md. Bashiir Cabdi Xariir, isagoo xusay inay xukuumada madaxweyne Siilaanyo ka go’an tahay sidii lacago amaahyo yaryar ah loo siin lahaa ganacsatada dumarka ah.
Marwo Luul Aadan Geedi oo ku hadlaysay magaca xafiiska lammaanaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa iyaduna sheegtay inay daruuri tahay sidii la isku garab taagi lahaa ganacsiga yaryar ee dumarku gacanta ku hayaan si loo horumariyo, looguna dhiirigeliyo in ganacsiga yar ku gaadhsiin karo baayac-mushtar weyn oo dalka iyo dadkaba faa’iido u leh.
Carwadda laga furay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo bandhigay ganacsiga kala duwan ee dumarku gacanta ku hayaan.