Danley Hubaysan oo toogtay Taliyihii Degmada Xaaji-saalax ee Gobolka Oodweyne iyo dhaawacyo

Xaaji-Saalax(Berberanews):-Koox Dablay hubaysan ah, ayaa xalay Saqdii-dhexe la sheegay inay toogasho ku dileen Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Xaaji-Saalax oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh, dilkaasoo sida ay sheegayaan wararka ay Aftahannews ka helayso deegaanka la xidhiidhay aano hore.

Warku waxa uu intaa ku daray kooxda hubaysan ee dilka ku fulisay Taliyhii Saldhigga Booliska degmada Xaaji-Saalax ee gobolka Daad-madheedh (Oodweyne) Allaah ha u naxariistee Marxuum Hurre Sahal Ducaale, in hawlgalkoodu daba-socday aano qabiil. Waxaanay Kooxdaasi dhaawaceen Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo ay wada-socdeen sida la sheegay Marxuumka.

Waxa weerarku ka dhacay Tuulada Laan-mullaaxo oo uu markaa marayey Marxuumka dhintay, oo ku socday dhinaca degmada Xaaji-Saalax. Waxaana halkaas ku dhaawacmay Dhakhtar ay Marxuumka wada socdeen, kaasoo dhaawaciisa loo qaaday dhinaca Cusbitaalka magaalada Burco oo lagu dawaynayo.

Dilka ayay dadka deegaanku Aftahannews u sheegeen inuu dhacay waqti dambe oo xalay ah oo lagu qiyaasay abbaaro kawdii habeenimo xilli ku dhaw. Guddoomiyaha gobolka Daad-madheedh oo Aftahannews khadka taleefanka kula xidhiidhay oo aannu wax ka weydiinnay dilkaas, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo, isaga oo cudur-daar ka dhignay inuu shir ku jiro oo aanu waqtigaas war bixin Karin.

Dawladda Somaliland iyo Maamulka heer gobol iyo degmo ee Daad-madheedh iyo Xaaji-Saalax, ayaan illaa hadda war faahfaahsan warbaahinta arrintaa ka siinnin. Hase-yeeshee, waxay wararku tibaaxayaan in Madax-dhaqmeed iyo Masuuliyiinta dawladda ee gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh ay deegaankaas gaadheen, si ay nabadgelyada u xasiliyaan oo aanay wax kale halkaas uga dhicin. kuwaasoo sida la sheegay caawa ku guulaystay in dhinaca beesha Taliyuhu ka soo jeeday aqbalaan in Meydka Marxuumka la aaso, kaasoo ay markii hore diideen in la aaso sida la sheegay.

Xigasho Aftahannews.com