Diyaarado Dagala oo duqeeyay Guriga Afhayeenka Al-shabaab

Baraawe(Berberanews):-Diyaarado Millatari oo aan wali la aqoonsan dalka laga leeyahay,ayaa la sheegay inay maanta duqeeyeen guriga uu ka deggen yahay magaalada Baraawe Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage(Cali Dheere).

Xilliga weerarka duqaynta  dhanka cirka ah lagu qaaday guriga uu degen yahay Afhayeenka Al-Shabaab,ayaan la shaacin qasaaraha ka dhashay duqayntaa iyo  cidda ay waxyeello ka soo gaadhay iyadoo wararka laga helayo magaalada Baraawe ay intaa ku darayaan in xilliga weerarka dhanka cirka ah ee lagu qaaday guriga Calidheere inay xilligaa ku sugnaayeen guriga Afhayeenka Al-Shabaab iyo saraakiil ale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ma jirto dawlad illaa imika sheegatay weerarka lagu qaaday guriga uu magaalada Baraawe ka deggen yahay Cali dheere Afhayeenka kooxda Al-Shabaab.

Dhanka Al-Shabaab,ayaa iyaguna wali ka hadal weerarka lagu qaaday guriga sarkaalka ka tirsan kooxdaasi.