Debedbaxyo lagaga soo horjeedo Raysal-wasaaraha Turkiga

Istanbul-(BBC)-Booliska dalka Turkiga ayaa gaaska dadka kaga ilmeysiiyo iyo biyo ku furay kumannaan dibadbaxayaal ah oo isugu tagay magaalada Istanbul, kuwaasoo ku baaqay inuu Iscasilo Ra’iisalwasaare Recep Tayyip Erdogan.

Isku dhacyada ayaa imaanayo kadib markii la shaaciyay cod la sheegay in si qarsoodi ah looga duubay Ra’iisalwasaare Erdogan iyo wiilkiisa iyagoo kawada hadlayo in la qariyo lacag tiro badan.

Mucaaradka Turkiga ayaa sidoo kale ku baaqay inuu is casilo Ra’iisalwasaaraha dalkaas Recep Tayyib Erdogan.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Tuyrkiga ee RPP ayaa sheegay in dowladdu lumisay sharciyadeedii.

erdegon

Cod “faalis ah”

Xisbiga kale ee NAP ayaa isaguna ku baaqey in baaritaan lagu sameeyo eedeymahaas.

Ra’iisalwasaaraha dalkaas Recep Tayyib Erdogan ayaa ku gacanseydhay codkaas la soo bandhigay, oo uu ku tilmaamay mid laga been abuuray.

Erdogan ayaa ku goodiyay in la ciqaabi doono kuwa mas’uulka ka ah arrintaas.

Dowladda Erdogan ayaa waxaa soo wajahay eedeymo ah masumaasuq ballaaran.

Xisbiga talada haya ee Erdogan ayaa arrintan ku tilmaamay shirqool looga soo horjeeda dowladda.

Berberanews.com

info@berberanews.com