“Dhibaato weyn baa Xaaji saalax ka dhacday..” Guddoomiyaha Guurtida Somaliland

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Oo Ka  Hadlay Qodobaddii Lagu Xaliyay Khilaafkii Golaha Wakiiladda Iyo Dalkii Ka Dhacay Deegaanka  Xaaji Saalax

Hargeysa (BerberaNews) Guddoomiyaha Golaha  Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta xidhay kal-fadhigii 55-add ee Golahaasi ,  ayaa sheega inuu soo dhaweynayo Qodobaddii ay Guddi Ergo ah oo ka tirsan Golaha  Guurtiddu ku xalisay Khilaafkii dhawaan ka taagnaa Golaha Wakiiladda Somaliland.

Guddoomiye Saleebaan waxa kale oo uu ka hadlay dilkii ka Deegaanka Xaaji Saalax ee Magaaladda Oodweyne, waxaanu ku baaqay si deg-deg ah wax looga qabto.

 

“Golahan waxaan si aada ugu bogaadinayaa iyo Ragii loo saaray-ba ee dhex galay arintii dhextiil Golaha Wakiilada way ina gil-gileen oo Somaliland wey wada gil-gileen, hawl qurxbadan ayaa Guurtida iyo Ragii aad u saarteen-ba ka qabteen ILAAHAY-na  ha ka Ja’ saai siiyo, Rag waxaa ugu balaysan ninka tolkii oo gorada isla galay kala dira oo wanag ku kala dira baa rag ugu waxtar wayn ,way dhacday waa mahad sanyihiin, waan ku mahadsantihiin, maantnaa dhinacyadii is hayey cid guul sheegan kartaa ma jirto , hadii guul laga tagi waayana Qarankaa guulaystay,Qarankaa u hiiliseen waan ilaahay mahadii ”

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu intaas ku daray  “Dhibaato weyn baa Xaaji saalax ka dhacday habeen hore maaha tii ugu horeysay iyo tii labaadna midna maaha arintaasi waxaa ay inooga baahan tahay go’aan adag iyo way soo noq noqotay laba nin oo madaxaa ayaa iska daba tagay xalbay inooga baahan tahay, xal reer iyo mid qaranba waa ay inooga baahan tahay in gacan adag oo bira oo dib aan loogu noqon in lagu qabtay u baahan tahay  iyadana cidbaynu u diraynaa , waftibaynu u diraynaa dag daga , kolay waa lagu baxay , rag badan o oguntan oo faydana waan arkayey, iyana habaxeen, anana waan baxaynaa”

 

Berbera News/Hargeysa Office.