Maraykanka oo hoos u dhigaya tirada ciidamadiisa

USA(berberanews)Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka Chuck Hagel ayaa shaaca ka qaaday in ay hoos u dhigi doonaan tirada ciidamada Maraykanka, kadib 10 sano oo ay dagaal ku jireen.

hagel1

Maraykanka oo xiligan doonaya inuu hirgeliyo qorshe lagu dhimayo miisaaniyada ciidamada oo sanadihii lasoo dhaafay faraha ka baxay, ayaa sheegay in la yareyn doono tirada ciidamada, waxaana la xiri doonaa qeybo kamid ah Saldhigyada Militariga Maraykanka.

Hagel ayaa dhinaca kale sheegay in hoos loo dhigi doono tirada diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka sanad walba ku bixiyo lacag badan

Berbernews-Desk

Office/Hargeysa/Somaliland