Maraykanka oo Ruushka uga digay inuu faraha la galo Ukraine

Russia(Berberanews)Dolwada Maraykanka ayaa baaq ay u dirtay dowlada Ruushka isla amrkaana uga digtay in ay xiligan farogelin militari ku sameyso wadanka Ukraine.

russiantanks

Ciidamada Dowlada Ruushka ayaa shalay bilaabay dhoolatus militari iyo dhaq dhaqaaq xoogleh oo ay ka wadaan xadka u dhaxeeya Ruushka iyo dalka Ukraine.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in ay noqoneyso Khalad aad u weyn oo Ruushka ku dhaco hadii uu farogelin militari ku sameeyo wadanka Ukraine.

Dhinaca kale Maraykanka ayaa sheegay in ay dowlada cusub ee Ukraine u balan qaadayaan 1 bilyan oo dayn ah.

Dowlada Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay in xiligan aysan farogelin ku sameyn doonin dalka Ukraine balse docda kale waxay dowlada Ruushka ku goodisay inaysan gacmaha ka laaban doonin xaalada hadii khatar la geliyo dadka Qowmiyada Ruushka kasoo jeeda ee ku nool gudaha Ukraine kuwaasi oo kasoo horjeeda kacdoonka ka socda Kiev.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inay difaacan doonaan saldhigyada ciidamadooda bada ku leeyihiin koonfurta wadankaasi Ukraine.

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland