Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Xarunta nabad sugida magaalada Muqdisho Iyo Tirada Dhimashada oo Sare Udhaaftay Ilaa 12-Qof

Muqdisho(berberanews)Dhowr iyo toban ruux ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa qaraxa lala beegsaday meel u dhaw xarunta sirdoonka ee dowladda Soomaaliya.

qarax9

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ruux oo ka mid ah dadka dhintay ay ka tirasan yihiin ciidammada ammaanka.

Dad rayid ah: Dadka kale ayaa la sheegayaa inay ahaayeen dad rayid ahaa oo ku sugnaa maqaayadda qaraxa lala beegsaday.

Weerarrada ka dhacaya Muqdisho ayaa sare u kacay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Qaraxa ayaa imaanaya dhowr maalmood kaddib markii qarax la mid ah iyo weerarro lala beegsaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay inay guddi heer wasiir ah u saartay weerarkii madaxtooyada

Berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland