Axsaabta Mucaaridka ah oo ka Digay Muddo Kordhin loo Sameeyo Xukuumadda Siilaayno

Hargeysa-(Berberanews)-Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa ka digay in dib u dhac ku yimaad doorashooyinka qorshaysan inay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomaan badhtaha sannadka 2015, iyagoo soo jeediyey in diiwaangelinta codbixiyeyaasha waqtigeeda lagu qabto, isla markaana wixii carqaladayna dhinac looga soo wada jeesto.

Xisbiyada Mucaaridku waxay xukuumadda u soo jeediyeen inay kaga dhabayso ballanqaadkii ahaa in aanay doorashaddu maalin qudha waqtigeeda dib uga dhacayn ee Madaxweynuhu ku sheegay khudbad sannadeedkii uu u jeediyey fadhigii wadajirka ahaa Golaha Barlamaanka (guurtida iyo wakiillada) sannadkii 2013.

guddoomiyaha WADDANI

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo siyaasadeedu tahay in aan maalin qudha muddo kordhin loo samayn, balse ay jiraan masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo aan siyaasadda la socon, isagoo tilmaamay in aan xisbiga WADDANI ogolayn in doorashada dib u dhacdo.

“Doorashada Madaxdweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku beegan tahay sannadka soo socda ee 2015 bisha lixaad, Madaxweynaheena Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaynu ku dooranay codkeena oo uu ku fadhiyaa, wuxuu madaxweynuhu isagoo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah waxa uu sannad walba Baarlamaanka ka hor jeediya khudbad, khudbad sannadeed baana la yidhaa, khudbadii ugu dambaysay wuxuu Madaxweynuhu ku daray in doorashada maalin lagu darayn. Annigu waxaan rumaysanahay in Madaxweynaha siyaasadda xukuumadiisu tahay taa uu yidhi, laakiin qaar badan badan oo xukuumadiisa ku jira ayaan siyaassadda madaxweynaha la socon, waxaannu ku kalsoonahay in siyaasadda tahay ta xukuumadda.

Haddii aan kalmad qudha ka idhaahdo muddo kordhinta maalmahan saxaafadda ku soo noqotay, waxaan leeyahay muddo kordhinta maya, doorashadana haa, waqtigeedana haa,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro.

Md. Cirro waxa uu tilmaamay in axsaabta qaranka, Guddida Doorashooyinka iyo Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland isla qaateen in la sameeyo diiwaangelin cod bixiye  si aan doorashadu u kharibmin, waxaannu yidhi; “Diiwaangelinta cod-bixiyayaasha  si aynu doorasho xor oo xalaal ah u helno, qofka muwaadinka ah wuxuu xaq u leeyahay hal cod, marka waxaynu doonaynaa inaanay doorashadu  inaga noqon tii degaanka ee barigii dhawayd oo kale, marka waxa la samayn doona diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxaanannu dhammaan asxaabta qaranka, xukuumadda iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo Akaadamiyada intaba ugu mahadnaqaya in qarankan mawqif midaysan ka qaatay diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, waxaanay isku waafaqeen in la sameeyo, waxaanay codsi u gudbiyeen mujtamaca caalamka ee arrinta inaga caawiya, iyaguna way inala qaateen. Waxa aynu ka taxadiraynaa dhammaanteen tallaabo kasta amma ficil kasta oo arrintaa suurtagelinteeda dib u dhigi kara, taasoo keeni karta in doorashadu dib inooga dhacdo, doorashadiina waxa inooga dhiman sannad iyo badh.”

Md. Cirro waxa uu deeq-bixiyaasha ugu baaqay in ay soo dhammaystiraan deeqaha lacageed iyo farsamooyinka xaggooda ku maqan si doorashadu waqtigeeda u qabsoonto, isla markaana uu dib u dhac ugu imaan.

Xildhibaan Ibraahim Rayte oo ka mid ah masuuliyiinta WADDANI, waxa uu sheegay in muddo kordhis dambe aanay Somaliland xamilayn, xaraana ay tahay, qofka ku fikiraana uu qaranka rogaayo, waxaannu yidhi;“Waxaan maqlayaa oo la hadal haya oo soo socota oo la wada oo lala guuxaya muddo kordhis, muddo kordhis waa xaraan baan leeyahay, sannad iyo badhka xukuumadda u hadhay baa ummadda dirqi ku ah, yaan waxay afka kala warwareegayso inay ummaddu kor u tidhaa lagu qasbin, sannadkaa badhka iyo madaxweyne Siilaanyo u hadhay waannu sugaynaa, cidii nala tartamaysana inay soo baxdo waannu sugayna, haseyeeshee muddo kordhis dambe waddankan ma filaayo inay ka suuragalayso, ninkii ku fikirana waa nin waddanka rogaaya ayaan filaya, dimuqraadiyada Somaliland ma xamilayso oo intii hore noogu filan.

Jamaal

Geesta kale, Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo telefiishanka HCTV, ayaa xukuumadda u soo jeediyey in ballanqaadkeedii ahaa in aan doorashadu dib u dhacay ka dhabayso, soona dedejiyo dhammaan hawlaha qabyada ka ah ee ku xidhan doorashada, waxaannu yidhi;“Wax waliba waxay ku wanaagsan yihiin in wakhtigii loogu talagalay ay ku qabsoomaan, xukuumada Somaliland waxay ballanqaaday inaan maalina dib loo dhigin wakhtigii loogu talagalay doorashada, diiwaangelintuna ay ku bilaabanto  wakhtigii loo qoondeeyey waliba la soo dedejiyo.” “Imikana waxa jira heshiis lagu gaadhay in saddexda xisbi ay deeq-bixiyayaasha la kulmaan si loo soo xasiliyo ama la isugu soo duba rido dhaqaalihii ku bixi lahaa diiwaangelinta, waxa kale oo jirta in dhawaan heshiis laga gaadhay in lays dhex geliyo diiwaangelinta madaniga ah iyo tan cod bixiyayaasha, waxaana la isla gartay in mid waliba madaxbanaanideeda ay u socoto, wixii labada diiwaangelinood laga kala faa’iidaysan karana laga faa’iidaysto, laakiin aan laysku xidhin, annaguna waxaannu mar walba ku talinaynaa inaanay doorashooyinku wakhtigoodii dib uga dhicin, madaxweynuhuna wuu ballanqaaday inaan maalin loogu dari doonin .” ayuu yidhi  Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay in lagu heshiiyey in diiwaangelinta madaniga iyo ta codbixiyayaashu is barbar socdaan oo aan la isku xidhin qabsoomidooda.