Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Oo Dalka Ku Soo Dhaweeyey Wefti UU Hogaaminayo Safiirka Denmark U Fadhiya Dalka Kenya

Hargaysa(berbernews)-wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ayaa Shalay  dalka ku soo dhaweeyey wefti ka koobann 20 xubnood oo ka socda wadanka Denmarka.

 

wxana

Weftigan ayaa waxa hogaaminaya safiirka wadanka Denmark u fadhiya wadanka Kenya, waxaanay wax ka qaban doonaan arimo la xidhiidha horu marinta xoolaha Somaliland.

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali  oo weftigan ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka war bixiyey ujeedada waftigan, isaga oo tilmaamay arrimaha ay ka Taageeraan Somaliland waxaana Wasiirka hadaladiisii ka mid ahaa “waa wefti ka kooban ugu yaraan 20 xubnood mudo kooban ayaanay joogayaan waddanka waxyaalaha ay doonayaan inay eegaana waxa ka mid ah suuqa saylada ee xoolaha waxaanay aad iyo aad ugu mugleeyihiin horu marinta xoolaha, maadaama xoolaheenu ay yihiin dhaqaalaha dalkeena ee ugu muhiimsan waxaanay mudaba ka qayb qaadanayeen horu marinta xoolaha haday noqoto dhinaca kobcinta,ganacsiga iyo taageerada kale ee ay u fidiyaan wasaarada xanaanada xoolaha si aynu u helno xoolo caafimaad qaba oo miisaan leh si wadamada aynu u dhoofino uga helno nolosha qoyska, qofka iyo qarankaba, arimahaas ayey weftigani u yimaadeen dalka waanan ku soo dhawaynaynaa” ayuu yidhi wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir.

Dhinaca kale hogaamiyaha weftigan ka socda wadanka Denmark  oo ah safiirka wadankaas u fadhiya wadanka Kenya ayaa waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Somaliland waxaanu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin horu marka Somaliland

ka gaadhay dhinaca siyaasada, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.

Berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland