Ayax aafeeyay dhul-daaqsimeedka Somaliland oo u gudbaya Itoobiya iyo Djibouti

Hargeys-(Berberanews)-Wasaaradda Beeraha Somaliland, ayaa daboolkaka qaaday inuu khasaare ballaadhan gaadhsiiyey deegaanno badan oo ka tirsan Xeebaha Somaliland ayax ku habsaday oo todobaadkii u dambeeyay ay dagaal kul jireen, balse haatan u muuqda mid ka awood roonaaday.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Pro: Faarax  Cilmi Maxamuud, ayaa sheegay in ayaxaas haatan u gudbayo dalalka Itoobiya iyo Djibouti oo xuduud la wadaaga Somaliland.

Sidaanawaxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Beeraha Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Wasiir Faarax, kaasoo u qornaa sida:

“Wasaarada  Beeraha  Somaliland  Waxay cadaynaysaa   iyadoo horana  dhowr jeer  digniino   u soo saartay  in ayaxii ku habsaday  xeebaha Badda Cas  ee Somaliland  oo haatan khatar ku hayo deegan-daaqsimeedka  goballada  Salal , Awdal,   Saaxil, iyo Sanaag.

Ayaxaasi oo haatan dam ka siiyey daaq badan    gaar ahaan Banka Giriyaad,  Lughaya,  Cabdigeedi,  Ceeldarad,  iyo  Banka Goobaare, wuxuu ayaxaasi oo haatan korankor ahi u gudbayaa  dalalka Itoobiya iyo Djabuuti.

Waxa jirta in xiligan xoolo aad u fara badani ay ku sugan yihiin jiidahaasi   ayaxu ku habsaday  oo ay adagtahay  in la isticmaalo sunta kiimikada ah ee lagu buufiyo  ayaxa Sida “MALATHION”.

 Sidaasi darted, wasaarada  beeruhu waxay ku talo bixinaysaa in aan lagu degdegin   in loo isticmaalo sunta khatarta ku ah  xoolaha,  dadka  iyo deegankaba,  balse loo isticmaalo habka makaanikalka  ah.

 Wasaaradu waxay  ka waddaa jiidahaasi  daawo aan xoolaha iyo dadka toona u lahayn dhibaato,    hasa yeeshee   ayaxa ayaa ka baaxad waynaaday arintaa.   

Wasaaradu  waxay si degdeg ah isugu  yeedhay  Hay’adaha Caalamiga ah ee ay khusayso  arinta ayaxa  sida  FOA   DLCO markii Labaad.”

Berberanews.com

info@berberanews.com