Rabshado ka dhacay Caleemo-saarka Suldaan ay soo cumaamaday Marwada Madaxweyne Siilaanyo

Dacarbudhuq-(Berberanews)-Deegaenka Dacar-budhuq waxaa maanta ka dhacay rabshado ka dhashay calleemo-saarka Suldaan ay u soo cummaamaday  Marwada Madaxweyne Siilaanyo, Aamina Sheekh Maxamed.

Madashada Calleemo-saarka oo ay ka soo qaybgaleen Madaxda Gobolka Saaxil iyo dadweyne tiro badan oo basas lagaga guray Hargeysa, ayaa waxaa ka dhex toosay Beel ka mid ah beelihii loo calleemo-saarayay Aadan Cawil., taasoo abuurtay rabshado gacan ka hadal ah ka dib markii ay dhagxaan huwiyeen goobtii xafladda, halkaasoo ay ku burburiyeen gaadiid tiro badan,inkastoo markiiba ay soo gaadheen ciidammada booliska Dacar-budhuq oo rasaas ku eryaday dadweynihii diidanaa Caleemo-saarka.

Gebi ahaanab waxaa burburtay Madashii loo qoondeeyay Calleemo-saarka Suldaanka, iyadoo madaxdii meesha ku sugnaydna midba meel ka booday.

 Berberanews.com