“Xukumaddan waxa u hadhay Sanadd iyo Badh ugu yaraan, ..”Guddoomiyaha Guurtida

Hargeysa-(Berbera News) Guddoomiyaha Golaha Gurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, taas oo ay Axsaabta Mucaaridka Somaliland ka digeen muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda, iyagga oo ku sababaeeyay inay saamayn ku yeelanayso.

Doorashooyinka. Guddoomiya oo maanta Warbaahintu wax ka weydiisay warar sheegaya in Xukuumaddu Qorshaynayso muddo kordhin ay ku sii hayso Hooggaaminta Taladda Somalliland, waxaanu Sheegay inay ku rajo-weyn yihiin in Doorashadda wakhtigii loo cayimay ay ku qabsoonto “Xukumaddan waxa u hadhay Sanadd iyo Badh ugu yaraan, dee ILAAHAY ha ina gaadhsiiyo Markaas ayaynu ka talinaynaaye.” ayuu yidhi Golaha Guurtidu Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu intaas ku darray “Waxaynu ka fiirsan wayno maanta anigu ma arko, Doorashadana sanad iyo badh ayaa ka hadhay, waxaanan ku rajo waynahay inay Doorashadu wakhtigeeda ku dhacddo” Axsaabta Mucaaridka Somaliland ayaa iyaggu hore uga digay Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo sheegay inay keeni-karto dib u dhac ku yimadda Doorashadda

. Berbera News/Hargeysa