50 qof oo lagu dilay Nigeria

Nigeria-(Berberanews)-Ugu yaraan 50 qof ayaa la og yahay inay ku dhinteen laba weerar oo bam ah oo ka dhacay magaalada Maiduguri oo ku taal waqooyiga bari ee Nigeria.

Bambooyinka ayaa waxa lagu dhex qariyay baabuur — midka hore waxa uu ku qarxay meel dadku ay ku badan yihiin, kan labaadna markii dadku ay ku soo yaaceen si ay u caawiyaan dadkii wax soo gaareen.

Wararka isbitaalka laga helayo ayaa sheegaya carruur badan in la dilay. Maiduguri waxa ay saldhig u tahay ciidamada la dagaallamaya kooxda Islaamiga ah ee Boko Xaaraam.

Nigeria

Wariye BBC ka tirsan oo jooga Nigeria ayaa sheegaya in toddobaadyadii ugu danbeeyay ee kooxda inay soo badanayeen kuwaasi oo sababay dhimashada in ka badan saddex boqol oo qof.

Sources, BBC