“Haddii Aanay Caddaaladdi Jirin Amni Ma jirayo” Wasiir Ku Xigeenka Amniga

Hargeysa-(Berberanews)  Wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa waxa jawaab kaga bixiyay eedo ay Shalay u jeediyeen Xubno ka mid ah  Garsoorka Somaliland, kuwaas oo sheegay inuu farro-gelin ku hayo Dacwaddo ka socdda Maxakamaddaha Dalka.

 Wasiir ku xigeenka waxa kale oo uu sheegay in Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo Hay’addaha Garsoorku wada shaqayn leeyihiin, Waxaana haddaladiisii ka mid ahaa  “Waxa jira labadda qaybood oo muhiim tahay in la ilaaliyo kuwaasi oo kala ah Caddaaladda iyo Amniga. Haddii aan Caddaalad jirin Amni ma jirayo, haddii aan Amni jirina Caddaaladi ma jirayso, markaa waa muhiim in la ilaaliyo.” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenku.

DSC00898

Wasiir ku xigeenka Waxa uu intas ku daray “Haddaanu nahay Wasaaradda Arimaha Gudaha 26-kii Bisha waxaa waraaq noo soo qortay Nimanka la yidhaahdo Ilma Maxamed Buur bad-maax. waxay noo keeneen Go’aan 2012-kii ay Guddida ka gar naqa dhulku ku xayirtay Beer. markaa waxaan u qoray Qoraal (Maxakamada) waxaan u sheegay in dhulkaasi oo dhinicii kale ay isku hayeen dhagax dhigteen oo uu xidhxidhay dhinicii kale oo iyagoo dacwoonaya noo yimid, markaa waxaan gudoomiyaha u sheegay inuu Dhulkaasi ku celiyo Guddidii ka gar naqa dhulka ee hore gacanta ugu haysay” ayuu sheegay Wasiir Xigeenka Amniga.

Eeddayahan ay is dhaafasadeen Garsoorka iyo Xukuumadda ayaa  ah kuwo salka ku haya shaqooyinka ay kala hayaan oo aan kala xaddidnayn.

 Berbera News/Hargeysa.