Hargeysa: Gabadh todobaad ku aasnayd guri hoostii oo maanta la helay

Hargaysa 02.March 2014 (Berberanews)-Allaah Haw Naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle ayaa laga helay Duleedka Guriya Ku Yaala Xaafada New Hargeysa ee Degmada Gacan Libaax. -ka dib markii muddo todobaad ah la waayay.

Maydka Marxuumadda oo muddo laba todobaad ah nolol lagu raadinayay ayaa goor dhaweyd la keenay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa.
Qaar ka mid ah ehelada Marxuumada ayaa Warbaahinta u sheegay in maydkeeda laga helay Guri ka Yaala Xaafada New Hargeysa, halkaas oo ay hawl u tagtay.
Marxuumadda oo raacadeeda lagu jiray Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxa ay eheladu intaasi ku dareen in xaafada New Hargeysa ugu tagtay markii hore qoys ay lacago ku lahayd, balse aan wax war ah laga helin wixii intaasi ka dambeeyay.
Maydka Marxuumadda ayaa la sheegay in laga soo saaray Meel God ah loo qoday Gurigii ay tagtay gudihiisa, waxaanay noqonaysaa dhacdadii ugu Tiiraanyada badanayd ee Ka
Dhacda Caasimada hargaysa.
Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Maydka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle ayaa hadda la keenay Cusbitaalka Guud Ee Magaaladda Hargeysa.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa Hada ka Hadlaya Falkan Foosha Xun Goor dhow Fillo.
Inaa Lilaah Wa Inaa Ilahayhi Raajucuun
Xigasho Qurbejoog.com